BOOLISKA oo 5 sarkaal ku qabtay garoonka Muqdisho kadibna xiray + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska oo howlgal gaar ah sameeyay ayaa garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ku qabtay shabakad ballaaran oo lagu eedeeyay inay wadeen musuq iyo wax is-dabamarin.

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay illaa 5 sarkaal oo loo haysto inay musuq-maasuq ka dhex wadeen xafiisyada maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee  adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.

Booliska Waxa uu gacanta ku dhigay 5 sarkaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin  ka dhex waddo Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee  adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir

Sidoo kale waxaa saraakiishaan lagu eedeeyay inay wateen warqado been abuur ah, ayna ku lunsanayeen daqlkhliga dowladda iyo hantida dadweynaha.

Been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsatay dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay  kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay talisla Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo qoraalkan lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan shaqsiyqaad kale oo ka tirsan isla shabakaddaan, kuwaas oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

Ugu dambeyn booliska ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan ay ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta, islamarkaana uu qaadi doono dacwadda loo heysto eedeysanayaasha.

Si kastaba, waa tallaabadii ugu horreysay ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Madamuud u qaado la dagaalanka musuq-maasuqa, kadib isbeddalkii dalka ka dhacay 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.