Xog ku saabsan sababta loo xiray waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lasoo dhoobay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo hakiyay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka.

Ciidamada Koofi-gaduud oo ah ilaalada gaarka ee madaxtooyada ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka waa weyn, waxayna xireen dhowr jid oo muhiim u ah dadweynaha  caasimada.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah jidka Maka Al-mukarama, Isgoyska KM4, Soobe iyo Tarabuunka, halkaas oo lagu arkayo gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ammaanka dowladda.

Xirnaashaha waddooyinkan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay shacabka Muqdisho oo maalaya cagahooda, si ay u gaaraan goobahooda shaqada ama waxbarashada.

Sidoo kale waxay arrintaan saameyn ku yeelatay dadweyne fara badam oo isku diyaarinayay Ciidul Fidriga, kuwaas oo kasoo adeegan lahaa suuqyada Muqdisho.

Sababta loo xiray jidadka ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto booqasho uu madaxweyne Xasan Sheekkh Maxamuud ugu tegayo ciidamada lagu soo tababaray Eritrea, kuwaas oo ku jiro xerada General Goordan ee magaalada Muqdisho.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale waddooyinka loo xiray wafdi uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo todobaadkii hore booqasho ku yimid gudaha Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa degmooyinka gobolka Banaadir ka socday dhaq-dhaqaaq ciidan iyo howlgallo ballaaran oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho.

Si kastaba, ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan xira waddooyinka caasimada, marka ay jiraan shirarka waa weyn ama mas’uuliyiinta dalka ay booqanayaan xarumaha ku yaalla Muqdisho.