Diyaarado dagaal oo lasoo riday iyo wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka SUDAN

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada RSF-ta, ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradaha Qumaatiga u kaca, oo ay leeyihiin ciidamada dalka Sudan.

Kooxdan la yiraahdo ciidamada deg degga u hawl gala (RSF) ee Sudan, ayaa ku eedeeyey inay soo rideen laba diyaaradood, oo kuwa qumaatiga u kaca ah, kadib weerar aargoosi ah oo ka dhan ahaa ciidamada.

Kooxda ayaa sheegtay in ciidamadu ay weerar ku qaadeen dagaal yahanadooda magaalada Omdurman, oo u dhow caasimadda Khartoum subaxnimadii Khamiista, inkastoo xabbad joojin lagu dhawaaqay Arbacadii.

“Laakiin ciidamada ayaa ka jawaabey weerarka, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan soo ridista laba diyaaradood oo helikobter ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay RSF soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Kooxda dableyda, ayaa sheegtay inay weli ka go’an tahay xabbad joojinta.

Ciidanka militariga dowldada Sudan, ayaan weli ka hadlin sheegashada weerarka RSF.

Dhanka kale, iskuday kale oo xabbad-joojin ayaa fashilmay caawa, walina waxaa caasimadda ka sii socda duqeymaha cirka iyo dagaalka tooska ah ee u dhaxeeya ciidanka millatariga iyo kooxda sida millatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF.

Goor sii horeysa oo maanta ah, dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlayay bartamaha Khartoum agagaarka xarunta uu degganyahay hogaamiyaha millatariga General Abdel Fattah al-Burhan, inkastoo aysan kala caddeyn in wali uu halkaasi ku suganyahay.

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhacay xaafadda Jabra ee galbeedka Khartoum, halkaas oo ay ku yaallaan guryo uu leeyahay ninka hogaaminaya xoogaga millatariga kasoo horjeedda General Mohamed Hamdan Dagalo, oo lagu naaneeso .