Maxay ATMIS ka tiri hub ka dhigista ay DF ka billowday Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidanka howlglka ATMIS ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay amarka hub ka dhigista ee ay dhawawaan ku dhawaaqday dowladda, kaas oo maalmo kahor ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xerada Xalane ayaa sheegtay in weli uusan soo gaarin go’aankaasi, isla-markaana aysan jirin wax war-gelin ah oo ay ka heleen dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hillary Sao Kanu ayaa intaasi ku dartay in marka ay helaan dukumintiyada dowlada ee ku cad amarkaas ay qaadayaan tallaabada markaasi ku haboon ama doorkooda.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in inta ka horreysa aysan faragelin doonin go’aanka dowladda federaalka, isla-markaana ay ka war dhowrayaan madaxda qaranka.

“Tafaasiisha qorshaha hub ka dhigista ee ay ku dhawaaqdey Dowladda Federaalka Soomaaliya wali nama soo gaarin. Balse wali marka aan helno dukumiintiyadda ayaan ogaan karnaa kaalinta aan ku leenahay. Inta ka horeysa, ma faragelinayno” ayay tiri.

Dhanka kale waxa ka hadashay wada-shaqeynta ay la leeyihiin Booliska Soomaaliya, ayada oo shaacisay inay abuurtay kalsooni weyn oo u dhexeyo labada dhinac, isla-markaana ay leeyihiin xiriir toos ah, mararna qaarna ay si wadajir ah u qaadaan howlgallada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho ka dhaqan-galay amarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in aan hubka cul culus lagu dhex-qaadan karin gudaha caasimada oo ay haatan howlgallo amniga xaqiijin ay ka wadaan ciidamada.

Dowladda federaalka go’aankeeda kuma shaacin inuu saameyn toos ah ku leeyahay ciidamada ATMIS oo iyaguna ka howlgala gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa labadii todobaad ee u dambeysay waday qorshayaal cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho oo haatan qaybo badan oo kamid ah lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda.