AMNESTY oo militariga Somaliland u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka

Laascaanood (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo warbixin cusub soo saartay ayaa si adag kaga hadashay dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo qaatay bishii 3-aad oo xiriir ah.

Amnesty International oo shaacisay natiijada baaris ay ku sameysay xad-gudubyo ay sheegtay inay ka dhaceen Laascaanood ayaa ku eedeysay ciidanka militariga Somaliland in magaaladaas ay ka geysteen duqeyn aan kala sooc laheyn oo dhaliyay khasaare xoogan.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in duqeymahaasi ay waxyeello u geysteen isbitaallada, dugsiyada iyo masaajidada ku yaalla halkaasi.

“Dhammaan dhinacyada isku haya Laascaanood waa inay joojiyaan weerarrada aan loo meel dayin, oo ay u guntadaan ilaalinta dadka rayidka ah, ayna ixtiraamaan xeerarka u degsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Isbitaalada iyo ambalaasyada waa in aan marnaba la bartilmaameedsanm” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty International.

Hay’adda ayaa sidoo kale dalbatay in la sameeyo baaritaan kale oo madax bannaan, si dadka ka mas’uulka dhibaatadaasi loola xisaabtamo, loogana qaado tallaabo adag.

“Waa in uu jiraa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo dhammaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga bini’aadantinimada si loo xaqiijiyo la xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah iyo magdhowga dhibanayaasha,” ayuu yiri Agaasimaha Gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika,ee ee hay’adda  Amnesty International Tigere Chagutah,

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay khasaaraha ka dhashay dagaalladaasi oo ay hay’addu ku sheegtay ugu yaraan illaa 100 qof iyo dhaawac ka badan 600 oo kale.

Hay’adda Amnesty ayaa sidoo kale sheegtay in inta u dhaxaysa 154,000 ilaa 203,000 oo qof ay u barakaceen magaalooyinka iyo tuulooyinka deriska la ah Laascaanood, halka qaarkood ay u gudbeen xadka Itoobiya, kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah.

Ugu dambeyn Amnesty ayaa ugu baaqday labada dhinac in hay’adaha samafalka ay u fududeeyaan, sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka barakacay Laascaanood.

“Dhammaan dhinacyadu waa in ay oggolaadaan oo ay fududeeyaan in hay’adaha samafalka ay si aan kala go’ lahayn ula kulmaan dadka rayidka ah ee gargaarka u baahan ee ku sugan Laascaanood iyo deegaannada kale ee ay dhibaatadu saameysey,” ayaa markale lagu yiri warbixinta Amnesty International.