Dalkii u horreeyay oo war kasoo saaray maalinta ciidda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo saartay war cusub oo la xiriira munaasabadda Ciidul-Fidriga, waxayna ku dhowaaqday in maalinta berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciida, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha ee waddanka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sidaas ku noqotay dowladdii ugu horreysay ee shaacisay in beri ay tahay Ciid, xilli waddamada islaamku aysan weli isku raacin in beri ay ciid tahay iyo in kale.

Kenya ayaa sidoo kale fasaxday shaqaalaha dalkeeda, sababo la xiriira dabaal-degga maalmaha munaasabadda Ciidul-Fidriga aawgeed.

“Iyadoo la adeegsanayo awoodaha uu siinayo qodobka 2 (1) ee Xeerka Fasaxyada Dadweynaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xoghayaha Golaha Wasiiradda ee Arrimaha Gudaha waxa uu ku dhawaaqay in Jimcaha, 21-ka April 2023-ka ay noqon doonto maalin fasax dadweyne oo lagu xusayo Ciidul-Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool muslimiin badan, waxaana islaamka uu yahay diinta labaad ee ugu weyn Kenya, taas oo ka dhigan in 10.9% dadka Kenya ay yihiin muslimiin.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in caawa maqribkii si rasmi ah loogu dhawaaqo go’aanka kama dambeysta ah ee ciida, ayada oo ay u badan tahay in berri ah oo Jimco ah ay tahay maalinta koowaad, maadaama inta badan bisha Ramadaan ay ku dhammaato 29-ka.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda dhankeeda war ku saabsan ciida ay la wadaagto guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba, ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay howlgallo balaaran sameeyaan inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga.