Shabakad qaraxyo ku diyaarinayay Gaalkacyo oo howl-gal lagu qabtay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howl-gal ay si wadajir ah maanta magaalada Gaalkacyo uga sameeyeen ciidamada ammanka dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa maamul goboleedka Puntland ee ku sugan magaaladaas.

Howl-galkan ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo ay ku sugneyd shabakad ka tirsan Al-Shabaab, taas oo ka kooban dhowr xubnood.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha lasoo qabtay ay ku howlanayeen diyaarinta qaraxyo iyo abaabulka dilal ay ka geystaan halkaasi.

Ilo dhanka ammaanka ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in guriga ay u daateen ciidanka laga soo saaray qaraxyo diyaarsan iyo sidoo kale bistoolado.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in haatan lasoo xiray eedeysanayaasha, isla-markaana la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Soo qabashada kooxdan ayaa timid, kadib markii maalmo kahor gacanta lagu soo dhigay nin ka dambeeyay qarax todobaadkan ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, waxaana kadib baaris ku sameeyay hay’adaha amniga oo ay u suuragashay inay soo qabtaan ragaan kale.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Gaalkacyo ka soconayay howl-gallo saf ballaaran ah oo ay iska kaashanayaan Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Puntland oo horay u qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xukuno dil ah ku ridday, kuwaas oo lagu soo qabtay howl-gallo kala duwan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 19  ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.