Sacuudiga oo shaaciyay maalinta ay tahay ciida

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal iyo Ciidul-Fadriga.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Khamiista maanta lagu ogaaday in ay dhalatay bisha Shawaal.

“Bisha Shawaal 1444 ayaa maanta laga arkay Tumair iyo Sudayr ka dibna berri oo Jimco ah, 21-ka April 2023 waa maalinta Ciidul Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Xaramka.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda diinta iyo awqaafta oo iyadu inta badan raacda Sacuudiga ayaa sidoo kale la filayaa inay bulshada Soomaaliyeed ugu bushaareyso bilashada bisha Shawaal iyo Ciidul-Fidriga.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay munaasabadda Ciidul-Fidriga ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

Ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay howl-gallo ballaaran sameeyaan inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga.