Sawirro: Xasan oo tegay xerada Jeneral Gordan oo ay ku jiraan ciidamo ku biiraya dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar-galinaya halganka dalka looga cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ayaa maanta booqday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Xeradan ayaa waxaa ku jira cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 26-aad ee “Ilaalo Qaran” ee tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea.

Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan qeybta “Ilaalo Qaran” ee ku biiraya howl-galka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo argagixisada si ay garab u siiyaan halyeeyada hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya kooxda.

Madaxweynaha oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri-galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rejada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gaba-gabada maraya ee dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada.

Xasan ayaa waxa uu faray ciidamadan ku biiraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamisa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si dardar leh uga socda dalka, iyada oo dagaalka socda uu galay wejigii labaad oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, kuwaasi oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku garabsiin doona sidii loo wiiqi lahaa kooxda.