Daawo: Booliska oo war soo saaray kadib arrin yaab leh oo ka billaabatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga degmada Howl-wadaag iyo ciidamo uu horkacayo ayaa howl-galo ka sameeyay degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay halkaas dhac ka geysteen kooxo burcad ah.

Taliyaha ayaa ballan-qaaday inay gacanta kusoo dhigi doonaan tuugada dhaca u geysaneysa shacabka, islamarkaana ay har iyo habeen u taagan yihiin difaacooda.

“Waa niman tuugo ah oo mindiyo wata, intay naf nagu jirtana waa taagnaneyna habeen iyo maalin. Aniga kula hadlaya ayaa taagnanaya oo tuug walba oo soo gala waxa rajeynayna in aan gacanta ku dhigno oo sharciga waafajino,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada booliska, islamarkaana ay gacan ka geystaan sidii ay u qaban lahaayeen tuugada dhaca u geysaneysa xiliyada habeenkii.

“Shacabka waxaa leenahay raali noqdo waxa u shaqeynayno ee u rafaadeyno waa idinka, ma ogolin in qof shacab ah oo xaafada degan in la dhibaateeyo oo loo boodo saqdhexe ma ogolin.”

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay joogteyn doonaan howl-galada lagu baadi-goobayo tuugada dhaca ka geysata degmada, isaga oo markale shacabka ka dalbaday inay arrintaas kala shaqeeyan.

Howl-galka uu hogaaminayo taliyaha saldhiga degmada Howl-Wadaag ayaa imaneysa kadib markii xalay xaafad ka tirsan degmada Howl-Wadaag ay koox tuugo ah dhac u geysteen qoys ku nool degmadaas.

Koox hubeysan ayaa markii u horeysay hab aan hore loo arag u jabsaday guriga qoys degan xaafada Black-Sea ee degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhac baaxad weyn ka geystay.

Qoyska dhaca loo geystay gurigooda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda burcada ah ay albaabada gurigooda u jabsadeen hab casri ah, maadama aysan ka muuqan garaafo.

Sidoo kale waxay sheegeen inay qaateen dahab, telefoono qaali ah iyo Laptop-yo ay lahaayeen dadka ku noola guriga, kuwaasi oo illaa hadda aan meel lagu sheegin.

“Si casri ah oo aan hore u arag ayay u jabiyeen guriga, waxaa noo soo dhacay dad aan ku qiyaasay shan illaa lix nin oo hubeysan oo bistoolado iyo tooreeyo wata. Waxay bilaabeen inay baskoolado nagu qabtaan oo baaran alaabta guriga,” ayuu yiri qof kamid ah qoyska la dhacay oo la hadlay warbaahinta.