Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhexe ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay ahmiyad gaar ah siinayso casriyeynta dekadaha dalka, horumarinta iyo ilaalinta arrimaha badda.
Wuxuu xusay in mudnaan la siinayo sugidda amniga badda, dhowrista kheyraadka dabiiciga ah iyo ilaalinta bay’adda badda, si jiilasha mustaqbalka loogu ilaaliyo kheyraadka ceegaaga badda Soomaaliyeed.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in badda Soomaaliyeed laga dhigo laf-dhabarta koboca dhaqaalaha dalka, iyada oo xoogga la saarayo sugidda amniga badda Soomaaliyeed, ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, dhowrista bay’adda badda iyo ka hortagga xaalufinta,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xarig-jarka kadib kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee dhismaha cusub ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.
Dhismahan cusub ayuu ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah koboca dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga badda iyo xoojinta isku xirka Soomaaliya iyo suuqyada caalamka.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shaqaalaha wasaaradda dadaalka ay ugu jiraan horumarinta adeegyada muhiimka u ah dalka.













