29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

IIRAAN oo qabsatay laba markab oo marayey Hormuz

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Iiraan ayaa Arbacadii la wareegtay gacan ku haynta laba markab oo marayay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, taas oo sii xoojinaysa awoodda gacan-ku-heynta ee ay ku leedahay marinkaas, kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hakiyay weeraradii uu qorsheynayay muddo aan la cayimin, iyadoo aysan muuqan wax calaamad ah oo muujinaya in dib loo bilaabayo wada-hadalladii nabadda.

Wakaaladda wararka ee Tasnim oo u janjeerta dhanka dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Ciidamada Ilaalada Kacaanka ay labadan markab u qabteen xadgudubyo dhanka badda ah, ayna u kaxeeyeen dhanka xeebaha Iiraan. Tani ayaa ah markii ugu horreysay ee Iiraan ay qabsato maraakiib tan iyo markii uu dagaalku qarxay dabayaaqadii bishii Febraayo.

Goor sii horreysay, hay’adda amniga badda ee Ingiriiska ayaa soo warisay in saddex markab oo xamuul ah rasaas lagu furay.

Madaxweyne Trump ayaa bayaan uu goor dambe oo Talaadadii ah soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in Mareykanku uu aqbalay codsi ka yimid dhex-dhexaadiyeyaasha Pakistan oo ahaa in “la hakiyo weerarka ka dhanka ah dalka Iiraan inta ay madaxdooda iyo wakiilladoodu la imaanayaan qorshe mideysan … ayna wada-hadalladu ka soo geba-geboobayaan.”

Balse, in kasta oo uu ku dhawaaqay wax u muuqday kordhin xabbad-joojin oo hal dhinac ah, Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu sii wadi doono go’doominta ay ciidamada badda Mareykanku ku hayaan ganacsiga badda ee Iiraan.

Mareykanka ayaa rasaas ku furay isla markaana qabsaday markab xamuul oo Iiraan leedahay maalintii Sabtida, wuxuuna Talaadadii dusha ka fuulay markab shidaal oo aad u weyn oo Iiraan leedahay, kaas oo marayay Badweynta Hindiya.

Iiraan ayaa go’doominta Mareykanka u aragta ficil gacan-qaad iyo dagaal ah, waxayna sheegtay in aysan qaadi doonin xayiraadda ay saartay marinka, taas oo dhalisay qalalaase dhanka tamarta ah oo caalami ah, inta ay go’doominta Mareykanku socoto.

Pakistan oo weli riixaysa wada-hadallada

Dalka Pakistan, oo door dhexdhexaadin ah ka ciyaarayay xiisaddan, ayaa weli isku dayaya inuu miiska wada-hadalka isugu keeno dhinacyada is haya, kaddib markii ay labaduba ka baaqdeen wada-hadallo xasaasi ahaa oo Talaadadii loo ballansanaa, kahor inta aysan dhammaan xabbad-joojintii labada toddobaad jirtay.

Hoteel raaxo oo ku yaalla caasimadda Islamabad ayaa gabi ahaanba loo banneeyay wada-hadallada, balse Iiraan marna si fagaare ah uma aqbalin casuumaadda, wafdigii Mareykankana oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance waligood kama aysan dhoofin Washington. Hoteelka ayaa Arbacadii weli xirnaa, in kasta oo la khafiifiyay xayndaabkii amniga ee la ballaariyay.

Sarkaal u dhashay Pakistan oo xog-ogaal u ahaa diyaarinta wada-hadallada ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay wax walba diyaariyeen, madashuna ay goglanayd. Sarkaalka ayaa raaciyay: “Haddii aad si dhab ah i weydiiso, wuxuu ahaa dhabar-jab aanaan fileynin, sababtoo ah Iiraaniyiintu waligood ma diidin, way u diyaar garoobeen inay yimaadaan oo ay ka qaybqaataan, welina waa diyaar.”

Sarkaal kale oo reer Pakistan ah oo ku lug lahaa wada-hadallada ayaa sheegay in xukuumadda Islamabad ay weli si aad ah uga shaqaynayso sidii loo soo afjari lahaa khilaafkaas, iyadoo dhinac walba kala hadlaysa arrimaha xasaasiga ah ee ay qabaan. Wuxuu raaciyay inay adag tahay in la saadaaliyo waxa xigi doona maadaama xaaladdu ay si xawli ah isu bedbeddelayso.

Ilaa iyo saaka oo Arbaco ah, ma jirin wax jawaab ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta sare ee Iiraan oo ku aaddan ku-dhawaaqista xabbad-joojinta ee Trump, in kasta oo falcelino hordhac ah oo ka yimid Tehran ay muujinayaan in hadallada Trump si weyn shaki loo gelinayo.

Wakaaladda Tasnim ayaa sheegtay in Iiraan aysan dalban in xabbad-joojinta la kordhiyo, waxayna ku celisay hanjabaadyada ah inay awood ku jebin doonto go’doominta Mareykanka.

La-taliye ka tirsan wada-xaajoodaha ugu sarreeya Iiraan, oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in ku dhawaaqista Trump ay noqon karto xeelad iyo shirqool. Saacado un kahor inta uusan Trump hakin weerarada, wuxuu ku celceliyay hanjabaado ah inuu dib u bilaabayo, isagoo caddeeyay in milaterigiisu ay heegan buuxa ku jiraan, una oomman yihiin inay tallaabo qaadaan.

Khasaaraha soo gaaray maraakiibta

Intii uu dagaalku socday, Iiraan ayaa si dhab ah marinka uga xirtay maraakiibta kale ee aan kuweeda ahayn, iyadoo weerartay maraakiibta isku daya inay maraan oggolaansho la’aan. Qiyaastii shan-meelood meel ka mid ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee caalamka ayaa caadi ahaan mara marin-biyoodkan.

Arbacadii, hay’adda amniga badda ee Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex markab oo ah kuwa xamuulka qaada ay soo sheegeen in rasaas lagu huwiyay marinka dhexdiisa.

Kabtanka mid ka mid ah maraakiibta ayaa soo sheegay in dooni dagaal oo Iiraan leedahay ay u soo dhawaatay waqooyi-bari dalka Cumaan Arbacadii. Markabka ayaa lagu furay rasaas iyo gantaallada garabka laga rido ee RPG, waxaana si xun u burburay qaybta hagidda markabka, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah ama dhibaato deegaan ah.

Laba markab oo kale ayaa sheegay in rasaas lagu furay qiyaastii siddeed mayl-badeed galbeedka Iiraan, iyadoo aan sidoo kale la soo sheegin wax dhaawac ah.

Dowladda Iiraan ayaa dhankeeda si adag u cambaaraysay ciidamada badda Mareykanka oo dhexda u galay maraakiib Iiraan leedahay taas oo qayb ka ah go’doominta socota.

Waxaa ka mid ah markab shidaal oo aad u weyn oo ku wajahnaa dalka Singapore, kaas oo ciidamada Mareykanku ay dusha ka fuuleen isagoo maraya Badweynta Hindiya maalintii Talaadada, saacado uun kahor inta aan loo ballamin in dib loo bilaabo wada-hadallada nabadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa Mareykanka ku eedeysay wax ay ku sifeysay “burcad-badeednimo iyo argagixisanimo dowladdeed”.

- Advertisement -

Read more

Local News