Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyay shirarka mucaaradka uga socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo eedeymo waa wayn u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.
Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday in ujeedada shirarkooda uu la xiriiro ka tashiga aayaha dalka, isla markaana ay la kulmeen qaybaha bulshada, sida odayaasha, culimada iyo haweenka, ayna noqdeen isku aragti.
Sidoo kale, wuxuu intaas kusii daray in muddo xileedka dowladda uu soo dhammaaday, iyada oo aan heshiis laga gaarin hannaanka doorashada dalka.
“Doorashadaan beenta ah uma socon doonto qolada hadda joogta, waa nasiib daro weyn in mudo xileedka dowlada uu dhamaado, iyadoo heshiis aan laga aheyn xaalada doorashada, waxaana dalka ka jira qal-qal”. ayuu yiri Shariif.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in madaxweynuhu wado boob doorasho, isla markaana xisbigiisu oo kaliya uu shaqeynayo, sida uu ku dooday Shariifka.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday xorriyatul-qowlka, wuxuuna tilmaamay in la xiray xubno kamid ah xisbigiisa Himilo Qaran, loona beegsaday aragtiyadooda.
Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay boobka iyo barakicinta shacabka, isaga oo xusay in maalmaha soo socda ay la fariisan doonaan dhibanayaasha.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah.

