Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin fal argagax leh ka geystay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee degmada Kaaraan oo xalay howlgal qorsheysan ka sameeyey xaafadda Jamhuuriya ee degmadaasi ayaa gacanta kusoo dhigay nin dhalinyaro ah oo muuqaallo caro dhaliyey ka duubay gabar aad u da’yar, kuwaas oo si aad loogu baahiyey baraha bulshada ee Internetka, gaar ahaan Tik Tok iyo Facebook.

Ninka lasoo qabtay oo lagu xiray saldhigga degmada Kaaraan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Gaabow, kaas oo wajahaya eedeymo culus oo ku aadan muuqaalada uu baahiyey oo ay kasoo muuqatay gabar ‘sarqaasan oo la siiyey daroogo’.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed, General Zakiya Xuseen Axmed oo qoraal soo saartay ayaa ka warbixisay falkan argagaxa leh, waxayna sheegtay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono eedeysanaha oo haatan ku jira gacanta dowladda.

“Taliska Boliiska G/Banadir gaar ahaan Saldhiga degmada Kaaraan ayaa abaaro 1:50am xalay saqdii dhexe ku guuleystay soo qabashada eedeysane Xussein Xassan Gaboow oo dhawaan baraha bulshada lagu arkay asigoo tacidiyad u geeysanaya gabar/gabdho qaangaar ahayn. Eedeysanaha waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.,” ayey tiri Gen. Zakiya.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in xogta ninkan ay la soo wadaageen dadka shacabka ah, islamarkaana ay taasi fududeysay in si deg-deg ah loo soo qabto eedeysanaha.

“Waxaan u mahad celinaayaa bulshada oo nala soo wadaagtay xogtiisa oo sababtay soo qabashadiisa. Wixii lid ku ah amniga iyo anshaxa dalkeena fadlan la wadaag Boliiska oo waca numberka 991,” ayey qoraalkeeda markale ku tiri taliye ku xigeenka Booliska

Ugu dambeyn waxay hoosta ka xariiqday in ka Boolis ahaan ay u taagan yihiin u adeegidda bulshada, kana jawaabi doonaan cabashada guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed waxaa ka go’an ka jawaabida cabashoyinka bulshada iyo suggidda amniga. Boliiska iyo Bulshada hadeey si dhow isla shaqeeyaan waan heli karnaa amni waana gaari karnaa barwaaqo,” ayey hadalkeeda kusoo gabagagabeysay Zakiya

Ma’aha markii ugu horreysan oo uu Booliska gacanta kusoo dhigo eedeysane loo heysto tacadi ay geystay, kadibay si bareer ah ugu baahiyey baraha bulshada, waxaana dhacdooyinkan ay haayeen kuwa aad ugu soo kordhayey gudaha magaalada Muqdisho.