Daawo: Koox ciyaal weero ah oo haweeney xaamilo aheyd iyo wiil ku dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdooyin dilal ah oo ay koox ciyaal weero ah xalay ka geysatay qaybo ka mid ah gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, taas oo dhalisay walaac aad u xoogan.

Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Shaafici Macallin Nuur waxa ay ku dileen xaafadda Cumar Tukunbe oo ka tirsan degmadaasi, kaas oo si weyn looga yaqaanay deegaanka, gaar ahaan Yaaqshiid.

Sidoo kale kooxdan ayaa isla xalay dhaawacday laba haween ah oo waddada marayey, taas oo ka mid ah aheyd Xaamilo, islamarkaana ku geeriyootay isbitaalka, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Luqmaan Macallin Nuur oo ay walaalo yihiin wiilka xalay la dilay ee Marxuum Shaafici ayaa ka warbixiyey dilka walaalkiisa, wuxuuna sheegay in si arxan darro ah toorey loogu dilay.

“Waxaa garabkeyga faarujiyey walaalkey, marna saaxibkey Shaafici Macalin Nuur oo ciyaal weero ay ku dileen degmada Yaaqshiid,” ayuu yiri Luqmaan Macallin Nuur oo ilmeynaya.

Sidoo kale wuxuu Eebbe uga baryey walaalkiisa inuu ka waraabiyo Jannadii Firdowosa, maadaama ay dishay buu yiri gacan ka xaq daran.

“Wallaahi waa geeri aad u naxdin badan waxaan leeyahay Jannada Ilaahey haka waraabiyo, gacan ka xaq daran ayaa dishay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ciyaal weerada ayaa u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyeen xaafadda Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.