Booliska oo laba jibaaraya howlaha amni ee caasimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa laba jibaaraya howl-gallada amni ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalieed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xalay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska kala qeyb galay afur wadareed, kaasi oo looga hadlay ammaanka caasimadda.

Ujeedka afur wadareedka ayaa diirada lagu saaray dhiirri-gelinta ciidanka iyo in la laba jibbaaro howlaha shaqo ee horyaalla ciidanka, maaddaama ay nagu soo food leedahay maalmaha farxadda Ciida.

Taliye Firin oo afurka kadib halkaasi kula hadlay ciidanka ayaa faray in la dardar-geliyo howlaha shaqo ee horyaalla iyo sidii sare loogu qaadi lahaa arrimaha amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xoojinayo ammaanka guud ee dalka gaar ahaan caasimadda oo muddooyinkii dambe laga dareemayay degganaan.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska ayaa xalay u kuur-galay sida uu u socdo howl-galka yareynta saxmadda ee Ciidanka Taraafikada, isaggoo boggaadiyay howsha adag ee Taraafikada ay ka qabteen waddooyinka magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho oo bilihii dambe ka reysatay falalkii amni darro ee tiro beelka ahaa ee kooxda Al-Shabaab ayaa waxay xilligaan ciidanka dadaal badan ku bixinayaan sidii loo sii laba jibaari lahaa howl-gallada amni ee caasimada, si loo xaqiijiyo amniga Muqdisho iyo nawaaxigeeda.