Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax xooggan oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in qaraxaan lagu bartilmaameedsaday xarunta dhul-bixinta maamulka gobolka Banaadir ee dowladda hoose ee Xamar, oo ku taalla isgoyska Ifka Xalane, halkaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada ee loo yaqaano Boolis Milataaro.
Gaariga oo ahaa Toyota Land Cruiser oo ay Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi) ayaa ku qarxay halkaasi, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, isaga oo isku dayay inuu xoog ku dhaafo goobtaasi.
“Khasaaraha meesha ka dhashay waxa uu ku eeka xaruntaasi oo ay ku shaqeyneysay shirkada ka shaqeysa nadaafada maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Doodishe.
Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay hal qof oo dhimasho ah, kaasi oo ahaa shaqaale ka tirsanaa dowladda hoose ee Xamar iyo dhaawaca laba qof oo kale, kuwaas oo ahaa dad ka agdhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa.
“Goobta hadda wey xiran tahay waxaa ku sugan ciidamada ammaanka, gaar ahaan ciidanka Ciiltire oo ka shaqeynayay howl-galka sugida amniga caasimada iyo nawaaxigeeda.”
Sidoo kale waxa uu sheegay inay socoto baaris la xiriirta nooca qaraxaasi uu ka koobna, sida uu kusoo gaadhay goobta iyo arrimo kale oo muhiim ah oo la xiriira qaraxii maanta.
“Ciidamada ammaanka waxay u taagan yihiin in markasta ka hortagaan dhibaatada Khawaarijta. Gabalkooda uu dhacay (Shabaab) waxay juhdi ku bixinayaan inay wax dhibaateeyaan.”