Booliska oo soo xiray 150 dhallinyaro oo arrin yaab leh ka sameeyay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa xalay xir xiray ku dhowaad 150 dhalinyaro rag ah, kuwaas oo laga qab qabtay degmada Karaan ee gobalka Banaadir. 

Dhallinyaradan ay qab qabteen ciidanka amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay laga qabay cabasho badan, kadib markii ay billaabeen weero inta ay u kala baxeen laba xaafadood. 

Dhibkaan ayaa waxa uu ka jiraa Xaafada Jamhuuriya waxaana la sheegay in uu soo taagnaa muddo ku dhow 60 cesho. Dhalinyarada ku nool xaafada Jamhuuriye ee degmada Kaaraan oo isku heesta Garoon kubada cagta ah ayaa u kala baxay laba koox, waxeyna billaabeen in ay ku dagaalamaan Weero ama tuuryo oo loo adeegsanayo dhagxaan lagu soo xiray xariga (wirif).

Sidoo kale dhalinyarada ayaa isu adeegsada Mindiyo, olal iyo agabyo kale. Dhalinyarada ayaa beegsanaya qofkii ka soo baxa xaafadba xaafada kale. Mararka qaar waxey dhag xeeyaan gaadiidka iyo guryaha, taas oo keentay in ay cabasho muujiyaan dadka degaanka.

Ugu yaraan 8 qof, oo ay ku jirto Haweeney waayeel ah ayaa ku dhaawcmay waxaana muraayadaha looga daadiyay gaadiid aan ka yareen 5 gaadi. Sidoo kale, gaadiid badan ayaa muraayadaha ka jabay, dhalinyaro aan qeyb ka ahayn weerarada ayaa loo dhibaateeyay xaafada ay dagan yihiin darteed.

Qaar kamid ah dadka degaanka gaar ahaan odayaasha ayaa Caasimada Online u sheegay in ay cabasho gaarsiiyeen maamulka degmada iyo ciidanka booliska Soomaaliya ee saldhigga balse aan laga jawaabin cabashadooda. 

Warbaahinta Muqdisho oo warkaan baahisay kadib, ciidanka amniga ayaa xalay howlgal sameeyay waxaana dhalinyaradaas lagu kala xiray Saldhigyada degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Shibis iyo Heliwaa oo isku ah qeybta Bari. 

Tobanaan sano ka hor ayaa Muqdisho ugu dambeysay ciyaal weero waxeyna arrintaan la yaab ku noqotay dadkii maqlay. Muqdisho waxey dhib ku qabtaa dagaalo, dilal, qaraxyo iyo dhac joogto, hase yeeshee markii intaas la arko arrinta weerada ayaa noqoto i qarso.