Video: Umal oo farriin u diray Deni iyo A/Madoobe una sheegay arrin lagu xanto

Nairobi (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa fariin u diray labada madaxweyne ee maamullada Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, wuxuuna ka codsaday arrin gaar ah.

Sheekh Umal oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa ka codsaday labada madaxweyne ineysan wax shuruud ah ku xirin ka qeyb galka shirka arrimaha doorashada looga hadlaayo ee la filayo in lagu dhawaaqo maalmaha soo aadan.

“Masaaliixda umadda u tanaasula. Shuruudaha meel iska dhiga. Miiska imaada oo in la wada tashada oggolaada. masaaliixda caamka ah ka shaqeeya,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxaad shuruudo badan hor dhigteen wadahadalkii, umadda wixii u suuroobi lahaydna aad hor istaagtaan sax ma ahan.

Sheekha ayaa intaas ku daray dad badan rumeysan yihiin in Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ay ka talo qaataan xiriirna la leeyihiin dowlado shisheeya, taasoo haddii ay jirto uu sheegay noqoneysa khiyaano qaran.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii uu fariin dhinacyo badan taabaneysa u diray saamileya siyaasadda Soomaalida oo ay ku jiraan kooxda talada heysa iyo mucaaradka u hanqal taagaya kursiga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ayuu ugu baaqay inuusan kursiga isku dhajin, sidoo kalana mucaaradka wuxuu u sheegay ineysan aheyn xilligaan iney wadanka ku hagaan waddo burbur ah.

Hoos ka daawo farriinta Sheekh Umal uu u diray Deni iyo Axmed Madoobe