26.6 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Booliska oo soo xiray gabar aflagaadeysay Xasan, kuna raad jooga shaqsiyaad kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka soo xiray haweenay lagu eedeeyay inay u geftay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib muuqaal ay ku baahisay baraha bulshada.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Malyuun Cawad Xaydar ayaa loo haysta inay aflagaadeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli heeska Birmade Xasan Sheekh oo dhinac kale loo rogay lag ku faafinayo baraha bulshada, gaar ahaan barta TikTok.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney lagu magacaabo Malyuun Cawad Xaydar, oo ku eedaysan aflagaado madaxeed iyo anshax-xumo,” ayaa lagu yiri qoraal saaka kasoo baxay taliska booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Booliska ayaa sheegay in falka ay ku kacday haweenaydan uu dhaawacayo sharafta iyo karaamada madaxda qaranka, isla markaana baalmarayo dastuurka iyo shuruucda dalka u dejisan.

“Eedeysanadu waxay ku jirtaa gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale ku raad-jooga shaqsiyaad kale oo ku kacay falal isugu jira anshax-xumo iyo aflagaado ka dhan ah madaxda qaranka, sida uu xaqiijiyay taliska booliska Soomaaliyeed.

Booliska ayaa ka dalbaday shacabka Muqdisho inay lasoo wadaagan xogta shaqsiyaadka caadeystay aflaagadada madaxda. “Muwaadin haddii aad aragto qof ku kacaya falal lid ku ah anshaxa iyo shuruucda dalka u dejisan, fadlan xogtiisa u gudbi saldhigga kuugu dhow, si boolisku uga qaado tallaabo habboon oo waafaqsan sharciga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shalay ayey aheyd markii booliska uu afar dhalinyaro ah usoo xiray aflaagadada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib muuqaal ay ku baahiyeen baraha bulshada.

Afartaas eedeysane oo kala ahaa Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim ayaa la horgeyn doonaa maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Booliska ayaa shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan falalka noocaan oo kale ah iyo muuqaallada anshax darrada ah ee kusii baahaya baraha bulshada ee Internet-ka

Si kastaba, horay waxaa sidaan oo kale loogu soo xiray dhalinyaro isticmaasha baraha bulshada oo sameeya falal anshax xumo ah, kuwaas oo qaarkood la horgeeyay maxkamadda gobolka, balse waa markii u horeysay oo aflagaadeyn madaxweyne loo maxkamadeynayo shaqsiyaad dhowr ah.

- Advertisement -

Read more

Local News