Booliska SOMALILAND oo maanta heegan la galiyay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta dhamaantood heegan buuxa la galiyey, sida uu sheegay Taliyaha guud ee ciidanka boolisku.

Taliyaha Guud ee ciidanka booliska Somaliland, Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay ujeedada ka dambeysa in heegan la geliyo Ciidamada, wuxuuna yiri:

“18-May ayaa inagu soo haysa foodda illaahay waxaynu ka baryeynaa inuu nabad-gelyo inagu gaadhsiiyo nabad-gelyana inoogu dhammeeyo, waxaa la inaga rabbaa, hawl-adag ayeynu gelaynaa, waa laba qaybood ciidan amniga ka shaqayn doona iyo ciidan gaardiska mari doona, dhammaan ciidan weynaha bilayska Somaliland waxa lagu wergelinayaa inay diyaar garoobaan illaalinta nabad-gelyada, waxa weeye waad garanaysaan calaamadaa aynu sidaanaa waa qarankii weeye waa in aad haybaddiisa iyo sharaftiisa aad ilaalisaan, iyadoo horeba la idiin faray haddana waan idinku baraarujinayaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa weeyaan ujeedada aynu iskugu nimid dambiga ka hor tag iyo ka daba tag, haddii uu yahay ciidanka heeganka ah ee xeryaha la dhigayo iyo hadduu yahay ka gaaf wareegaya iyo haddii uu yahay ka suuqa wareegaya, waxa loo baahan yahay anniga oo idiinka mahadcelinaya hawsha adag ee aad qaranka u haysaan waxa la idiinka baahan yahay adkaysi badan iyo in aad dul-qaadateen”.

Dhinaca kale, Taliye Fadal ayaa fariin u diray Shacbiga reer Somaliland, isagoona ka dalbaday inay galaan feejignaan dheeriya “Shacabka reer Somaliland ee xariirta ah waxaan ka codsanayaa in aad iyo aad u gashaan feejignaan oo dareenkiinu taagnaado oo aad ka jawaabi karto qofka ku dhaafay oo aad suuradin karto, ayaa loo baahan-yahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com