Saciid Deni oo war kulul ka soo saaray magacaabista guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay maamulkiisa ku sameysay sadbursi kadib markii ay magacowday guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe.

Saciid Deni ayaa sheegay in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ay xaq u lahayd Puntland, maadaama guddoomiyihii xilka ka degan uu kasoo jeeday deegaanadaas, balse lagu beddelay guddoomiye cusub oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Siciid Deni ayaa sheegay in iyada oo hanaanka loo maray magacaabista Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ay khaldan tahay, haddana aan wax wadatashi ah lagala sameyn maamulkiisa.

Deni ayaa intaas ku daray in dowladda Federaalka ah ay waddo ku tagri fal awoodeed marka loo eego habka magacaabista xilalka muhiimka ah ee talada ay ku leeyihiin dowlad Goboleedyada dalka ka jira,

Ka sokow xilka guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in Puntland ay ka cabaneyso xilal kale oo ay xaq u lahayd oo ay ka mid yihiin safiiro oo weli dowladda federaalka aysan siin.

Waxaa xilalkaas ka mid ah safiiradii Washington iyo Nairobi oo ay ku kala fadhiyeen Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibedda iyo Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka qorsheynta, kuwaas oo midna aan weli la buuxin midna lagu beddelay qof aan kasoo jeedin Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com