Madaxweyne Farmaajo ‘oo kulan la yeeshay siyaasi ka tirsan xisbiga Waddani’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la yeeshay Siyaasi katirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, intii uu ku sugnaa caasimada dalka Qatar ee Doha.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka soo laabtay socdaal gaar ah oo ku tagey dalalka Turkiga iyo Qatar, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo ay ku kulmeen magaalada Doha ee dalka Qatar.

Buubaa ayaa sheegay inay ka wada-hadleen madaxweyne Farmaajo arrimo ku saabsan Mustaqbalka labada dhinaca, gaar ahaan Wada-hadaladii hakad-ka galay ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa, oo ka waramaya arrimahaas ayaa wuxuu yiri “Wey ii qondeysneed inan tago dalka Qatar, laakiinse waxaa isku soo hagaagay kolkii anigu aan Qatar joogay iyo booqasho kedis ah oo u yimid Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, weyna jirtaa kolba hadduu meesha joogo in aanu arrimahaas wada eegno”.

“Khaasatan arrimaha anigu u baaciyey dhinaceyga waxay aheyd maanta Somaliland dal iyo dowlad ahaanba halkey joogto, degenaanshaha ka taagan, wixii dowladii Soomaaliyeed la isku odhan jirey inaanay maanta jirin, ee labo wadan oo Somaliland iyo Somaliya oo lixdankii isku yimid, ay midba gooni u taagntahay, si wanagsana loo wada fariisto oo loo wada-hadlo, arrimaha murugsana, laga saaro murugaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Horta dadka waa in si wanaagsan u fahmaan, xisbiga mucaaridku waa xisbi danaha qaranka ay mas’uuliyad weyni ka saarantahay, Arrimahana guud ahaan shaqadeyda ahba, waayo? Siyaasi ban ahay weliba siyaasi u dhuun daloola Geeska Afrika”.

Dhinaca kale, Siyaasi Buubaa ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka iyo heshiiska ay gaareen labada xisbi, isagoona ka digay fara-gelin uu sheegay inay Somaliland ku hayso dowlada Imaaraadka Carabtu, wuxuuna yiri:

“Anigu waxaan u arkaa Wasiirka arrimaha dibedu ee la socday Madaxweynaha Muuse Biixi safarkii uu ku tagay Imaaradka, Hadaladii uu ku dhawaaqay iyo Wasiirka daakhiliga ee dowladu kolkii dambe isagoo la fadhiya xisbiga Mucaaridka ee Ucid isaguna aririmo ku dhawaaqay, inay arrimo faro-badan ka dhaxeeyan arimahaasi”.

“Wasiirka Arrimaha dibedu wuxuu noo sheegay, arimaha lagu soo heshiiyay Imaaraadka ay kamid ahaayen, sidii loola dagaalami lahaa Argagixisada, Wasiirkii daakhiliguna markii uu la fadhiistay Ucid, wuxuu sheegay xisbiga Waddani in laga kaaftomi karo, oo xisbiga Kulmiye iyo Ucid ay kaligood qabsan karaan Doorasho”.

Wuxuuna intaas kusii daray Siyaasi Buubaa “Waxaa la ogsoonyahay arrintaasi inay tahay arrin khal-khal iyo dhibaato weyn keeni karta, aniga waxay ila tahay kolka la yidhaahdo Waddani waa la janibayaa waxanan diyaar unahay, Argagixiso iyo wixii dhibaato sameeyaba shaqo ka qabano”

“Dowlada Imaaraadka arrintaasa kala soo hadalnay, cidkastaba wey u cadahay cida loo jeedo iyo sidey wax yihiinba, iyada oo aynu ixtiraameyno walaaladayada carbeed ee Imaaraadka, waxaanu aad iyo aad si dheer ugu sheegayna inaba inaan u dulqaadan doonin wixii aanu aragno iney bur-burinayso geedi-socodka dimuquraadiyadeeda ee dadkayagu doortay, inuu noqdo sidaanu siyaasadeeda u maamuli laheyn”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com