Farmaajo iyo R/W Kheyre oo cadaadis xooggan kala kulmaya beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa cadaadis xoog leh kala kulmayo Xubnaha Beesha Caalamka u joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegayo in Beesha Caalamka ay madaxda ugu sareeyo Dowladda ku cadaadineyso sidii ay uga qeybgeli lahaayeen shirka lagu wado inuu ka furmo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland  labada Bisha soo socoto ee May.

Shirkaas ayaa waxaa la filayaa inay ka wada qeybgalaan dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, waxaana  qaban qaabadiisa lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Wararka ayaa sheegaya in diyaar garowga shirka uu ka soo bilowday magaalada Nairobi, halkaasoo saddexda Maamul goboleed Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula kulmeen Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo u gudbiyay cabasho ka dhan ah dowladda Federaalka.

Xubnaha Beesha Caalamka sida Safiirka Mareykanka ayaa la sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay ku cadaadinayaan in shirkaas ka qeyb galaan, isla markaana aanu noqon sida shirarkii horay u baaqday oo kale.

Martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda dowlad Goboleedyada inay 19-kii bishan April inay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ayaa isna qabsoomi waayay, taasoo ka dambeysay markii ay diideen qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana shuruudo ka xireen.

Dadaalada Beesha Caalamka wado ayaa ah sidii dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ay is faham iyo wadashaqeyn u gaari lahaayeen, iyadoo muddo sanad ku dhow aanay wax shir ah yeelan Golaha Amniga Qaranka ee ay xubnaha ka yihiin Madaxda Qaranka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

Lama hubo haddii Ra’isulwasaaraha iyo Madaxweynaha ay si wadajir ah uga wada qeybgeli doonaan, sidoo kalana waxaysan dowladda Soomaaliya ku qanacsaneyn hab maamuus ahaan qaabkii uu Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ugu casuumay shirka Garowe Madaxda dowladda Federaalka.

Khilaafka u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ayaa xoogiisa wuxuu bilowday markii ay Dowladda Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay Khilaafkii ka dhex dhashay Dowladaha Khaliijka markaas oo ay Maamul Goboleedyada la safteen Dowladda Imaaraadka Carabta oo uu Khilaaf xoog leh kala dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Dhexe  ayaa tan iyo markaas joojisay lacagihii ay siin jirtay Maamul Goboleedyada kadibna waxaa meel xun gaaray khilaafkaas oo sababay inay Maamulada intooda badan xiriirka u jaraan Dowladda Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com