Nin xabsiga Kobar ku jira oo madaxweynihii hore ee Suudaan ooyin ka keenay

Khartoum (Caasimadda Online) – Nin  xabsiga Kobar kula jiro Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar AL-Bashiir ayaa sabab u noqday inay illin kasoo daadato Al-Bashiir.

Sida uu qoray Wargeyska kasoo baxo Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ee lagu magacaabo Rakooba , Madaxweynihii hore ee Suudaan AL-Bashiir ayaa ooyin la dhacay kadib markii mid kamid ah Maxaabiista Xabsiga kula jirto uu ugu yeeray “Madaxwxeynihii la casilay”.

Wargeyska Rakooba ayaa arrintaan ka qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay “ War Gudaha xabsiga Kobar, Albashiir oo oyin la dhacay, markii  uu maqlay qof ugu yeerayo Madaxweynihii la casilay”.

Wargeyska oo soo xigtay Ilo ku dhow Albashiir ayaa sheegay inuu ilmeeyey oo ay indhahiisa sidii daadka oo kale ilin ugu qubanaysay, kadib,  markii uu maqlay hadalkaasi, waxaana uu rumeysan la’ yahay inuu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Kobar ee magaalladda Khartuum.

Albashiir oo xanuunka Isku-buuqa ama Istareeska ka  qaaday Xabsiga uu ku jiro waxaa isbuucii hore daaweyn loo geyeey Isbitaalka Royal Care ee ku yaalla Khartuum, kadib, markii uu ku dhacay cuddurka Istarooga oo aad u kooban iyo isagoo diiday inuu cuntada cuno.

Hoggaanka Militariga ee la wareegay Maamulka Dalka Suudaan ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee dalkaas lagu booqan karo Xabsiga uu ku jiro isla markaasna ay xaaladiisa Caafimaad tahay mid aan 100% aheyn.

Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Khartuum lagu xiray dhawr sarkaal oo sarsare oo xulafo la ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan al-Bashiir.

Wadahadallada u dhexeeyo milatariga iyo kooxaha dalbanaya in maamul rayid ah lagu wareejiyo xukunka dalka ayaa ku soo dhamaaday ballanqaada ah in maalmaha soo socda la fulinayo dalabka shacabka.

Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay cadeeyeen dalabkooda, ayna isku afgarteen in lasii wado wadahadallada, si xilwareejintu ugu dhacdo qaab nabad ah.

Waxa jirtay rajo laga qabay in dabayaaqadii todobaadkan ay dallada xirfadleyaasha Suudaan oo ah kooxda hormuudka ka ahayd dibadbaxyada ay ku dhawaaqaan xukuumad isku dheelitiran, balse taasi wali ma dhicin.

Waxaa sidoo kale jira warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dhawr qof oo ka mid ah raggii ugu sarreeya dowladdii hore ee Cumar Al-Bashiir ee xukunka laga tuuray la soo xirxiray.

Sidoo kale saraakiil sarsare oo ka mid ahaan jiray hay’adda sirdoonka qaranka ee dalkaasi Suudaan ayaa shaqada laga eryay.

Tallaabooyinkan ayaa loo qaaday in lagu mideeyo awoodda maamulka cusub ee milatariga ah hase ahaatee sidoo kale waxay jawaab u tahay codsiyada qaar ee dibadbaxayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum 
Caasimada@live.com