Garyaqaanka guud ee DF oo soo saaray qoraal sharci ah (Yuu la saftay Yariisow iyo hanti-dhowrka qaranka?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Garyaqaanka guud ee dowladda federaalka, Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa sheegay in hanti-dhowrka guud ee dowladda uusan wax sharci ahayn u lahayn inuu baaris ku sameeyo xisaabaadka maamulka gobolka Banaadir.

Warqad kasoo baxday garyaaqaanka oo arrintan ku saabsan, ayaa ka dambeysay kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalacla Muqdisho Injineer Yariisow uu talo-sharci weydiistay.

Dr. Cusmana Cilmi ayaa talo soo-jeedintiisa ku sheegay in ay hanti-dhowrka Guud uu baari karo kaliya wixii dhaqaale ah ee federaalka uga yimaada maamulka gobolka Banaadir, balse uusan sharci u lahayn inuu baaro xisaabaadka kale ee maamulka gobolka, taasina ay tahay arrin u taalla hanti-dhowrka heer gobol.

Waxa uu sheegay in uu Hanti-dhowrka Guud ee Qaranku ku ekaado baarista iyo dabagalka dhaqaalaha Dowladda dhexe ku kabto miisaaniyadaha maamullada gobollada oo uu ku jiro gobolka Bannaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

Waxa uu usoo jeediyey maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho ay ku gacansiiyaan hanti-dhowrka guud ee qaranka inuu baaro daba-galna ku sameeyo dhaqaalaha lagu kabo miisaaniyaddooda oo ay ka helaan dowladda dhexe.

Garyaqaanka ayaa soo jeedintiisa qiil uga dhigay in xafiiska hanti-dhowrka guud qaranku yahay hear federaal, sida ku xusan qododka 114aad ee dastuurka loona baahan yahay in dhammaan maamullada dalka oo uu ka mid yahay gobolka Banaadir ay ula dhaqmaan si isku mid ah.

Waxa uu sidoo kale ku dooday In dhammaan maamullada gobolladu ay leeyihiin hanti-dhowr u gaar ah oo u qabto shaqada hanti-dhowrka heer ederaal.

Hoos ka aqriso warqadda garyaqaanka guud