Ciidamada booliska oo rag hubeysan ku qabtay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo baaritaano ah ka sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga, sidoo kalena looga hortagayey kooxaha dhaca u geysta shacabka.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu faahiyey howlgalladaasi, waxaana lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen kooxo burcad ah oo dhaca ka geysanayey Waaxda Barwaaqo ee Xamar-Jadiid oo ka tirsan degmada Warta Nabadda.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegeen hubkii ay wateen ragga hubeysan oo labo ahaa iyo mooto Bajaaj ay u adeegsanayeen dhaca.

“Abaare 10:00 fiidnimo ee xalay, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafada Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo geystay,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliska.

Sidoo kale wuxuu taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed intaasi ku daray in raggan ay isla xalay dhac kasoo geysteen xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag, kadibna ay soo baxsadeen, ayaga oo soo galay degmada Warta Nabadda oo ugu dambeyn lagu qabtay.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale u yeeray dhibanayaasha ay dhaca iyo dhibaatada u geysteen kooxdaasi gacanta lagu soo dhigay, si loogu wareejiyo agabkooda.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, si looga hortago dhaca hubeysan, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.