Sawirro: Xamza oo maanta ballan-qaad cusub ka helay URURKA Midowga Yurub

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka  ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay Danjiraha Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Tiina Intelmann.

Xamza ayaa kal hadlay Tiina Intelmann xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada arrimaha bini’aadanimada & horumarinta adeegyada muhiimka ah.

Sidookale waxaa kulanka lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, siiba xasillinta deegaanada la xorreeyay ee ay la wareegtay dowladda, waxaana ra’iisul wasaaruhu sheegay in deegaanadaas ay u baahan yihiin gurmad degdega.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kal uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub doorka uu ka qaato dowlad dhiska Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee dalka.

Danjire Tiina oo madasha ka hadashay ayaa dhankeeda u ballan-qaaday xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza inay sii wadi doonto taageerada uu Midowga Yurub  siiyo Soomaaliya, gaar ahaan taakuleynta dhinacyada kala duwan leh.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah Ururada waa weyn ee caalamiga ah, islamarkaana gacan siiya dowladda federaalka ah oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, ballan-qaadka loo sameeyey ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dowladda Soomaaliya ay taageeri u raadineyso howlgallada ka socdo dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada laga xoreeyey Al-Shabaab.