ANWAR IBRAHIM oo kasoo jawaabay fariintii XASAN

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Malaysia Anwar Ibrahim ayaa kasoo jawaabay fariintii hambalyada eheyd ee uu u diray madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Anwar ayaa sidoo kale sheegay in Malaysia ay dooneyso inay xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarinta arrimaha faa’iidooyinka u leh labada dal.

“Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh waa ku mahadsan tahay rajeyntaada wanaagsan. Malaysia waxay sidoo kale aad u danaynaysaa inay wanaajiso xiriirka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo gaaritaanka horummada faa’iidooyinka u ah labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri. 

Anwar Ibrahim ayaa Khamiistii loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha Malaysia, kadib shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed uu ka taagnaa dalkaas, kadib markii doorashooyinkii baarlamaan uu xisbina ka heli waayey kuraas aqlabiyad ah ah. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu isla maalintaas soo saaray ku yiri “Waxaan hambalyo kal iyo laab ah ugu dirayaa Anwar ibrahim inuu noqday Ra’iisul Wasaarihii 10-aad ee Malaysia. Intii uu xilka hayo Anwar Ibrahim, Soomaaliya waxay rajaynaysaa inay xoojiso horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee dhammaan dhinacyada faa’iidada noo wada leh.”

Noqshada Anwar ee ra’iisul wasaaraha ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysia, kadib markii xisbi-na uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957.
 

Isaga oo ku ololeeyey farriin ka dhan ah musuq-maasuqa, isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pakatan Harapan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii dhacday dhammaadka toddobaadkan, wuxuuna helay 82 kursi.

Hase yeeshee, wuxuu aad uga hoos maraya tirada loo baahnaa ee aqlabiyadda oo ah 112.

Si looga gudbo is-mari waaga, boqorka ayaa u yeeray Anwar iyo ra’iisul wasaarihii hore Muhyiddin Yassin oo xisbigiisa Perikatan Nasional uu kaalinta labaad ku galay 73 kursi. Hase yeeshee heshiis waa ay gaari waayeen.

Boqorka ayaa kadib kulan gaar ah la yeeshay xubnaha kale ee boqortooyada kahor inta aan lagu dhowaaqin in Anwar uu yahay ra’iisul wasaaraha.

Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa Anwar, oo 75 jir ah, u ah dhammaadka 25 sano oo safar dheer ah.