GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay ajaaniib ay muddo heysatay AL-SHABAAB

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ee maamulkaasi ayaa gacanta ku dhigay Ajaaniib fara badan oo muddo fog ay heysteen dagaalyahanadda kooxda Al-Shabaab.

Ajaaniibtaan oo tiro ahaan gaaraya illaa 20 qof ayaa siddeed sano kahor waxaa afduubtay koox burcadbadeed, kuwaas oo ay mar dambe kala sii wareegtay Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in Ajaaniibtan ay Sabtidii soo galeen gacanta Galmudug, waxayna kasoo kala jeedaan dalalka Pakistan, Iran iyo Bangladesh.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda Al-Shabaab ay iskeed usoo deysay raggan, kadibna ay sidaas ay ku soo gaareen Galmudug oo ka qabatay deegaanadeeda.

Guddoomiyaha degmada Hobyo, Cabdullaahi Axmed Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay baaris ku hayaan raggaas oo sheegay inay yihiin Kalluumeysato.

“Horta ciidamada Booliska waxay gacanta kusoo dhigeen niman Ajaaniib ah oo ka yimid dhinaca Al-Shabaab laakiin sheegay inay yihiin niman Kalluumeysato ah oo ay heysteen Al-Shabaab, hadda dowladda gacanteeda ku jiraan, baaritaano ayaana ka socdo,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Lama oga sida ay ku timid sii deynta raggaan Ajaaniibta ah ee muddada dheer ku afduubnaa gudaha Soomaaliya, mana cadda in Al-Shabaab lasiiyey madax furasho.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo aadaysa, xilli haatan Al-Shabaab ay wajaheyso cadaadis xoogan oo uga imaanaya howlgallada ka socda gobollada dalka oo ay ku jirto Galmudug.