Xil wareejin ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasibad Xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa xilka kula kala wareegay Agaasimaha cusub ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Aadam Hoosow iyo Agaasimihii hore Dr. Cali Ciise Cabdi.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh oo furay munaasibadaan ayaa bogaadiyay shaqadii wax ku oolka ahayd ee ay qabteen xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isaga oo u hambalyeeyay xubnaha cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.

Xubnihii hore ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhankooda soo dhaweeyay isbedelka cusub, iyaga oo si qotodheer u faah-faahiyay shaqadii ay Qaranka u hayeen sanadihii la soo dhaafay, cilmi-baaristii ay sameeyeen iyo la-talintii ay dowladda ka siin jireen arrimaha mudnaanta u leh dardar-gelinta soo kabashada iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxay xubnaha cusub u rajeeyeen inay si wanaagsan u gutaan xilkooda, iyagoo ballan-qaaday inay la garab istaagi doonaan wixii talo iyo taageero ah ee ay uga baahdaan.

Dr. Xasan Aadam Hoosow, Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa u mahad-celiyay xubnihii hore ee Golaha.

Agaasimaha cusub ayaa sidoo kale faah-faahiyay barnaamijyada u qorshaysan inay fuliyaan iyaga oo ka duulaya aragtida Madaxweynaha ee “Soomaali Isku Filnaatay” taasi oo ku salaysan sidii dalka dhaqaalihiisa loo kobcin lahaa, loona dardar-gelin lahaa hirgelinta qorshayaal iyo siyaasado dhaqaale oo la jaanqaadaya isbedellada casriga ah ee dhanka teknaloojiyadda.

Ugu dambayntii waxaa munaasibada Xil-wareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Nuur, isaga oo hoosta ka xariiqay muhiimadda Goluhu u leeyahay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Qaranka.

Waxa uu dhankiisa ballan-qaaday in Wasaaraddiisu ay si dhaw ula shaqayn doonto Golaha, iyaga oo tix-gelin doona talooyinka waxtarka leh ee ay la wadaagaan.

Wasiir Cilmi Nuur ayaa geba-gebadii munaasibadda si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay gudoonkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu metelayay Dr. Aweys Sheekh iyo Agaasimaha cusub ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.