Booqashada madaxweyne Geelle ee Xamar oo direysa laba farriin siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi imaanshihiisa – aad looga dareemay xirnaanshaha waddooyinka caasimadda – balse horay loo sii shaaciyay ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Adan Adde.

Wafdiga oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxay iskugu jiraan xildhibaanno, wasiirro iyo ganacsatada Jabuuti. Waxaana lagu wadaa in inta uu joogo caasimadda Muqdisho uu xariga ka jaro safaaradda Jabuuti ay ku leedahay dalka.

Imaanshiyaha Geelle wuxuu ifin karaa sida rajada leh oo uu soo kabsanayo xiriirkii dhawaan ku sigtay inuu liifadda gaabsado oo labada dal soo kala dhex galay. Wuxuuna u muuqdaa mid sida farriin qanacsanaan laga dareemi karo.

Kasokow xiriirka soo jireenka iyo sokeeyanimada labada dal ka dhaxaysa, Jabuuti waxay qeyb ka tahay ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM oo gaar loogu yeero Hiil Walaal. Waxaana si laga mahad-celin leh ay qeyb lama-huraan ah kaga jiraan howl-galka socda.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay oo cutubyo kamid ah AMISOM ay iskaga baxayeen qeybo kamid ah Shabeellada Dhexe, joogitaanka Hiil Walaal ee Hirshabelle wuxuu dhabtii u muuqdaa kuwa sida dhabta ah la iskugu halleyn karo. Maadaama Burundi iyo Uganda oo qeybta ugu badan ka ah ay kaliya ku ekaan karaan xeryahooda, waa ciidamada Jabuuti kuwa is-dhexgal dhab ah la sameyn kara shacbiga. Sidaas darteed, booqashada Geelle oo sidoo kale la tilmaamay inuu ku tagi doono gobalka hiiraan, wuxuu si niyad-qaboojis ah kula kulmi doonaa ciidamada dalkiisa ka socda oo sal-dhigyadooda ugu weyn ka sameystay gudaha Hirshabelle.

Dad badan waxay qabaan in Geelle uu fursad ka dhex arkayo joogitaanka ciidamadiisa ee Soomaaliya kuwaas oo u muuqda cutubyo si gaar ah loogu tiirsanaaday howlgalkooda. Waxaana tani ay abuuri kartaa in hoggaanka AMISOM hadda kaddib si gaar ah loo hoos geeyo dowladda Jabuuti.

Farriinta kale oo safarkiisa laga fahmi karo ayaa ah furitaanka safaaradda dalkiisa oo ah midda labaad ee ugu weyn oo – taniyo burburkii dowladdii Siyaad – aanay suura-gelin inay ku dhiirradaan. Waliba iyada oo la ogsoon yahay in Jabuuti kaalin ballaaran ku laheyd geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Somaaliya halkaas oo sannadkii 2000 Shirkii Carta MD loogu doortay mudane Abdiqaasim Salaad.

Xukuumadda hadda ayaa u muuqata mid u dabaal-dageysa guusha ah furashada Jabuuti ee safaaraddeeda. Wallow aan la dafiri Karin doorkii dhexdhexaadineed oo MD Farmaajo ka qaatay labada dal ee Jabuuti iyo Eretreeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com