24.5 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Boorsaani oo hadal yaab leh uga hadlay arrinta Muqdisho ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Borsaani), ayaa ka hadlay amni darida ka taagan Caasimada Somalia, waxa uuna bidhaamiyay inaanu adkeyn sugida amniga balse uu jiro caga jiid.

Boorsaani ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu awood u leeyahay in amniga Caasimada uu waxbadan ka bedelo, hayeeshee uusan ka shaqeyn karin shaqsiyaad uu sheegay inay hagar-daaminayaan Amniga.

Waxa uu Boorsaani sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay in wada shaqeyn hufan ay dhexmarto Ciidamada Gobolka iyo dadka shacabka ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in suuragal ay tahay in shaqsiyaadka wada hagar-daamada laga takhluusin karo, waase haddii ay dhacdo wada shaqeyn.

Waxa uu Boorsaani ka digay in muddo intaa kasii badan ay shaqsiyaadkaasi Hagar-daaminaaya amniga sii wadaan Hagartooda, waxa uuna cadeeyay in shaqsiyaadkaasi si gaar ah u ugaarsan doonaan.

Haddalka Boorsaani ayaa imaanaya iyadoo inta badan magaalada Muqdisho ay ka dhacaan weeraro goortii la baaro salka lagala Ganacsato iyo shaqsiyaad xil doon ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News