Boorsaani oo iska fogeeyay arrin lagu eedeeyay inuu ku kacay

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa iska fogeeyay wararka la xiriira in maamulkiisa uu lamid yahay maamulkii isaga ka horeeyay.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxa uu sheegay in mudada uu jiro uu Gobolka Banaadir kusoo kordhiyay waxqabad aad u weyn waxa uuna meesha ka saaray inuu la midyahay kii isaga ka horeeyay.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxa uu sheegay in ujeedkiisa uu yahay in Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho laga saaro dhibta ay ku jirto, waxa uuna bidhaamiyay inaanu jiri doonin habacsanaan dhanka maamulkiisa ka imaada.

Waxa uu sidoo kale, iska fogeeyay tuhuno la xiriira inuu lunsaday Hanti Qaran isagoo taa bedelkeeda sheegay in Qaranka uu kusoo kordhiyay wax muuqda.

Warbaahinta qaar ayuu sheegay inay faafiyeen arrimo isaga ka dhan ah, balse uu xaqiijinaayo in dhamaan arrimahaasi aysan waxba ka jirin.

Haddalka Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxa uu meesha ka saarayaa tuhunada la xiriira in mudada uu jiro maamulkiisa ku kacay isdabamarin, walow aan cadeyn loo heyn sheegashadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com