Xasan Sheikh oo khudbadii ugu dambeysay Jeediyay (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa oo u muuqata iney tahay middii ugu dambeysay oo uu jeedisayo ka hor sanadkaan.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ahmiyada khudbadiisa diirada ku saaray arimaha doorashooyinka sanadkaan ka dhacaya dalka Soomaaliya oo u sheegay iney yihiin kuwo ka duwan waxii dhici jiray.

Doorashada sanadkan ayuu sheegay iney tahay mid aan aheyn qof iyo codkii, laakiin ay ka duwan tahay doorashadii isaga lagu soo doortay sida uu sheegay.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka, wuxuu meesha ka saaray walaaca laga qabo dibu dhac doorasho, wuxuu cadeeyey in la dhisey guddigii doorashada.

M/weyne Xasan Sheekh wuxuu tilmaamay in Aqaka Sare la dhisi doono, labadana aqalna ay wada dooran doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, isagoo sheegay in aan marnaba laga gudbi doonin.

Sidoo kale Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay arimaha amaanka iyo xaaladaha kala duwan ee dalka SOomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com