Boorsaani oo uu dulqaadka ka dhamaaday una hanjabay xubno…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho ku yeesheen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka ayaa waxaa lagu soo saaray go’aan suuragalinkara in xilka looga qaado Guddoomiyayaasha Degmooyinka waa haddii degmooyinkooda lagu geysto dhac.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Boorsaani ayaa shaaca ka qaaday inaanu mardanbe maqli karin dhac ka dhex dhaca degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa uuna ku goodiyay inuu xilka ka qaadi doono Guddoomiyihii degmadiisa wax lagu dhaco.

Afhayeen u hadlaayay maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Gudoomiyihii degmadiisa isbaaro lagu dhigto oo dhac lagu geysto in xilkiisa uu ku weyn doono.

Waxa uu intaa ku daray in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu xilka ka qaadi doono Guddoomiyihii si indha qabad ah qudhiisa u faragaliyo howlo aan loo igman.

Waxaana duqa Muqdisho uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaado Isbaarooyinkaas islamarkaana degmadii lagu arko uu Guddoomiyaheeda xilkiisa ku weyn doono.

Kulankaan ayaa sidoo kale arrimaha laga soo saaray waxaa ka mid ah in Guddoomiyayaasha degmooyinka aysan ku shaqo lahayn Fasaxa Dhismaha Guryaha ay shacabku ka dhisanayaan degmooyinka Caasimadda Muqdisho, arrintaas oo la sheegay in si toos ah u hoostageyso maamulka Gobolka Banaadir.

Tani waxa ay imaaneysaa iyadoo goor sii horeysay Maamulka gobolka Banaadir horay usheegay in magaalada Muqdisho ay ka mamnuuceen dhigashada isbaarooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com