Fadeexad kusoo baxday kooxda Puntland ee cayaaraha Muqdisho + Sawirro caddeyn ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadeexadii ugu waynayd ayeey dhexda ka istaageen Xiriirka Kubadda Cagta Somalia ee soo qaban qaabiyay Ciyaaraha Dawlad Goboleedyada ee ka soconayay Garoonka Banaadir Stadium kadib markii Xeerkii ay u dajiyeen Ciyaartaasi uu noqday La Jiifayaana Banaan.

Xeerka Ciyaaraha Dawlad Goboleedyada waxaa ka mid ahaa inaysan safan karin Ciyaaryahanadda u safta Kooxa Heerka 1-aad ee Dalka iyo Xulka Qaranka, taasoo sababtay in Ciyaaryahano badan aysan fursad u helin inay u ciyaaraan Goboladooda.

Hadda waxaa soo baxday Fadeexadii ugu waynayd oo ah in Ciyaaryahan Cabdi Salaam Dhiidhiye oo ah Kabtanka Kooxda Puntland uu usoo saftay xulka qaranka Soomaaliya, gaar ahaan xulkii 2009 dalka Uganda uga qayb galay ciyaarihii Bariga & Bartamaha Afrika.

Si kastaba ha ahaatee Ciyaaryahanka iyo Kooxdiisa waan bogaadinayaa, laakin qaladka waxaa iska leh Xiriirka Kubadda Cagta oo xeerkan u sameeyay Ciyaaraha Gobaladda, hadana indhaha ka qarsaday Ciyaaryahan ay yaqaanaan oo Qaran u saftay hadana u ciyaaraya Koox Gobol.

Puntland waxay bari la ciyaaraysaa Jubbaland sida jadwalku ahaa. waxaanse ka warsugaynaa Go’aanka Xiriirka inuu jadwalku sidii yahay iyo inay tallaabo qaadeen. Masuuliyadda Koowaadna waxaa iska leh Guddiga Qabanqaabadda Ciyaarta oo ay tahay in Tallaabo laga qaado. Sidoo kale Kooxihii ay Puntland ka soo badisay dhamaan Ciyaarahaasi waxay mudan yihiin in dib loo qiimeeyo waayo waxaa soo baxay Musuqmaasuq wayn.

Bal Ila eeg Sawirada 2009 isagoo Xulka Qaranka u safan iyo hadda isagoo Gobol u safan.

cay1cay2

W/Q: Weriye Cabdicasiis Afrika