Xog: Doorashada 2016 oo dib loo dhigay (Aqri waqtiga cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal sir ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa waxa uu muujinayaa inay Madaxtooyadda Villa Somalia isbedel ku samaysay Qorshaha Doorashooyinka Dadban ee Somalia ka dhici lahaa bisha August iyo September ee sannadkan.

Dukumentiga oo maalmahan dhex wareegayey Villa Somalia ayaa lagu muujiyey in Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono bisha December 12-da ee sannadkan.

Xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka waxaa la dooran doonaa Bisha October, halka xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Cusub la dooran doono Bisha November.

Dhinaca kale, Shaxda cusub ee Doorashooyinka ee Villa Somalia lagu diyaariyey ayaan la ogeyn sida ay ugu qanci doono Madaxda Dowlad gobaleedyadda oo dabayaaqadda bishan Kulan ku yeelan doonaan magaalladda Muqdishu.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaan weli kaa hadlin Jadwalka Cusub ee Doorashooyinka Madaxweynenimadda iyo Mudanayaasha Labada Gole ee Barlamaanka soo soccda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com