Boorsadii lacagta ee Paris: Qiso dhex-martay Max’ed Siyaad Barre iyo Zenawi !!

Waxyaabaha Soomaalida eebbe ku manneystay waxaa ka mid ah deeqsinimada, marti-soorka, magangelyenta iyo geesinimada oo ay inta badan uga duwan tahay bulshooyinka kale ee mandiqadda Geeska Africa Iyo Dunida kale.

Yeelkeede, taas ma aha mid aysan qirsaneyn dadka la macaamila Soomaalida, sida aad ka fahmi karto qisada cajiibka ah ee uu Dr. Saadiq Axmed Enow ka sheekeeyey.

Dr Enow oo toddobaadkii hore boqolaal dhallinyaro ah kula hadlayey maqaayadda Pizza House halkaas oo ay dhallinyarada xarunta maktabadda Ifiye ku soo agaasimeen mawduuc ahaa ‘’isbedelka Siyaasadda Itoobiya iyo sida uu u saameynayo Geeska Africa”  ayaa ka sheekeeyey sheeko cajiib ah oo dhexmartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya (AUN) Maxamed Siyaad Barre iyo Ra’iisul Wasarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu ku sugnaa waqtigaas dalka France oo uu booqanayey waxaana London uga soo socdaalay dhallinyaro arday ah oo kacdoon Itoobiya ah ka waday gudaha dibedda.

Dhallinyaradaas oo ahaa kuwa Tigreeda waxaa ka mid ahaa Meles Zenawi waxa ayna u yimaadeen Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey France iyaga oo ka codsaday in ay la kulan siiyaann Madaxweyne Siyaad Barre.

Meles iyo xulafadiisa oo dhallinyaro yar yar ah waxa ay filayeen in ballan loo qabto kaddina ay fursad u heelaan la kulanka Madaxweye Siyaad, hase ahaatee wax aysan fileyn ayaa dhacay.

Safiirkii Soomaaliya waxa uu laba qol ka dejiyey dabaqii uu Siyaad Barre daganaa oo ahaa FIVE STAR halka iyagu ay ku fekerayeen in ay dhallinyarada magaalada qolalkooda ku sugaan!

Maxaa Xigay?

Meles iyo asxaabtiisii waxa ay la kulmeen madaxweyne Siyaad Barre iyaga oo doonayey in ay uga warramaan xaaladdii dalkooda ka jirtay kaddibna ka codsadaan taageero iyo lacag yar oo ay isku dabaraan.

Hase ahaatee, waxaa fajiciso ku ridday xogtii uu siiyey Siyaad Barre (Aun) oo ku saabsaneyd dalkooda iyo halka ay wax marayaan! Intaa kaddibna, waxa ay ka codsadeen kacag.

Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu weydiiyey intii ay rabeen balse wey ku dhici waayeen qiimaha ayaga oo ka xishooday! Madaxweynaha inta uu fahmay ayuu safiirkii Soomaaliya ku amray in uu boorso samsaneed ah yiri ii soo qabo taas oo ku dhawaad 250,000 oo dollar ay ku jirtay!

Dr Enow waxa uu dhallinyarada u sheegay in qisadaas uu Meles uga sheekeeyey odayaal Soomaaliyeed oo uu lacago siiyey isaga oo is bar bar dhigayey deeqsinimada Soomaalida iyo dhaqanka wax bixin la’aanta ee Itoobiyaanka!