ONLF, Ina Ileey iyo aayaha ummadda (Xog-warann).!!!

Soomaali haddaan nahay, meelaha aan ku banjarnay, een sida xun ugu barriiqannay waxaa ka mid ah, in aannaan aqrin aqoon taaganta, si aan u hilaadinno timaaddada, oo ka dhigan, in aannaan ku cibroqaadan tagtii lagu tahlukoobay.

Gumaystihii na ka la qaybsaday, ee shantanoo ka la qaaray, gunnimadii ka la qaybinta ee uu na dhexdhigay waxay ka xumaatay, middii aan la kulannay, markii aan xorno sheegasho ah helnay, oo ka dhalatay, qaladaadkii aan galnay, xilligii xornimodonka iyo in aan garan waynnay, in aqoosha loo xeeladeeyo, haddii aad wayso sida aad rabto ama lagu muquuniyo.

Labo go’aan ama talaba waan eednay, oo araxda ayey naga jebisay, ilaa haddana, dhabarjabka maalintaa na gaaray ayaan ilaa hadda ka soo kabsan la’nahay.

Labada taloxumo waxay eheed; markii Ingiriisku soo jeediyey, in sanadaha xorriyad gaarsiinta isaga aan u wakiilanno, asna uu noo ballanqaaday, in uu shan Soomaali isu keeno, oo Jabuuti keliya shaki ku jirtay. Marka labaad waxay eheed, markii Soomaali galbeed odoyaashu ku dheheen Ingiriis, Kenyaan ha nagu darine, Xabashi ayaan ku biiraynnaa, iyagoo ku maahmaahay; ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa!

Taloseegga nagu dhacay, marka hore wuxuu na biday, in NFD uu Ingiriis raaciyey Kenya, halka Soomaali Galbeed lagu daray Xabashi, oo ah qaladka labaad, oo sababta Ingiriis ay u dheer tahay, codsigii odoyada, oo weli ay xabashida ushii ka qaadanayaan.

Tan kale, oo dhibka naga haysto waxay tahay Soomaali ahaa, fursad abuurka iyo dhalinta kanshado lagu meelmariyo himilooyinka bulsho, hanka ummmadeed iyo rajooyinka qawmiyadeed marka ay siyaasadda joogto, balse, xagga ganacsiga guulo fiican ka gaarnay.

Dagaalkii 1977, ee qar is ka xoorka ahaa, wuxuu na dhaxalsiiyey sheeko iyo shaahid midda aad doonto ayaad ku heli kartaa, oo burburka aan galnay, waanagan weli ka soo kabsan la’, sababteeda ay eheed, degaanka faalladu qusayo ee Soomaali Galbeed.

Qarni rubac iyo googo’ ka dhimman yahay ayaa ka soo wareegtay, maalintii Soomaali Galbeed, uu Ingiriis ku wareejiyey Xabashi. Waxay eheed maalin waxgaradka Soomaali Galbeed, meel soke wax ka fiiriyeen miisaan qaldanna wax ku cabbireen.

Dhacday, soo mana laabato, ee maxaa xigay?.

Markii Itoobiya ay jabhaduhu qabsadeen, ee Tigree, oo aan barbaarintiisa wax ku lahayn uu dalkii qabsaday, mar kale ayey naga hoosbaxday, oo go’id, gooni isu taag, gorgortan iyo maxaan gaar u leeyahay midna miiska wadahadalka la ma aannaan tegin, halgankii, dagaalladii dawladdii Soomaaliyeed iyo kuwii jabhaduhu waxay noqdeen hal bacad lagu lisay, oo sawtanba dawladdii dhexe garashoxumo nooga duntay.

Labada dawladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia isku sanad ayey xil gabeen, mid waxaa ka dhacay la ma arag iyo la ma maqal, sidii inaan geel ka la dhacaynno ayaan ku soo qamaamnay xaruntii dalka, ma jirin qorshe aan ka ahayn, in la rido Maxamad Siyaad Barre, rajiimka dalka cuuryaanshay. La ma kala roonaan, isna wuxuu dib u soo qaaday dagaal, adba dib u xasuuso: “Dagaalkii Xadka iyo Xawaraaha!” iyo oraahdii ahayd: “Ruug caddaagii soo rogaalceli!” dalkiina u horseedday dagaal sokeeye, intii isaga ka dabamartayna dib ayey isu ruugeen!

Dhanka kale, Ethiopia waxaad moodday, in uu dhacay is baddal dabiici ah, wax walba sidii loogu talagalay ku dhaceen, maamul meesha laga saaray iyo madax carartay, maamul cusub iyo wajiyo hor leh, sidaa lagula kala wareegay awooddii, hubaal in reer galbeed Soomaaliya la maagganaayeen dibirxun, iyagoo mar walba niyadda ku haya Dagaalkii 1977.

Waa fursaddii labaad oo naga luntay, ee aan ka faa’iidasyan, aanna garan waynno sida aan uga miradhalasanno dedaalladeenna iyo halgankeenna bulsho ama qawmiyadeed.

Tagtay, oo tiigsamaad ma lahan, ee maxaa xigay?.

In Xabashidii hoygeed ku cabsan jirtay, Soomaali Galbeedna kolonyada ku mari jirtay, in Xamar iyo xeebaha koofureed xoog iyo xarbi lagu keeno.

Xanuun kale iy xusuus murugadeda leh. 28/12/2006.

Is rogtaye, maanta ayaan mar kale helnay, oo haysanaa fursad, aan ku sixi karno wixii aan qalad sooyaal iyo siyaasadeed galnay. Maanta Itoobiya waxaa ka socda isbeddal xawlo ah, oo culus marna adag, haddaba waxay u baahan tahay, in la curiyo aragtiyo looga faa’iidaysan, lana helo aqooliyayaal ogaal badan, oo ka arrimiya, sidii mar kale, aysan fursaddu noo dhaafin, ma naqaan xilli ay na soo mari doontee ama maba ogin, in ay dib noo mari doontee.

Cabsidii iigu weyneed, ee i haysay, ee ku saabsaneed Degaanka Soomaali galbeed saaka (04/08/2018) ayey dhacay, oo ah, Cabdi Ileey, oo magaalada Jigjida ku dhexdagaalaya. Hubaal, in uu hore u ahaa qawsaar Tigreega u qaabilsan dilka iyo afduubka, oo isaga ayaaba qirtay, haddana, raba, in uu u xuubsiibto QABQABLE!

Noqoshada dambe way adag tahay, balse, tijaabo awoodeed iyo itaal midna ma reeban doono, oo qalalaasaha maanta dhacay, carada shacabka marka laga soo tago, oo garab u noqday, isaga ayaa siyaasad iyo cudud ciidan ahaan guulaystay, balse, intee sii jiri kartaa, maxaase xiga?

Qofka garta warcelinta weydiinta iyo qolada hirgelisa ayaa sooyaalku xusi doonaa.
Aniga waxay i la tahay, wixii maanta ka dhacay Jigjiga iyo wixii dambe, ee ka dhici doona Jigjiga iyo guud ahaan degaannada Soomaali Galbeed, ay masuuliyaddeeda akhlaaqeed, siyaasadeed, amni, dhaqan iyo bulsho ay qaadayaan madaxda ONLF iyo hoggaankeeda, maxaa yeelay, waa awoodda keliya ee Cabdi Ileey badali karta, ee leh aragti Soomaalinnimo.

Cabdi Ileey, in uu nin xun yahay, in uu dhiigyacab yahay, in uu dilaa yahay, in uu tilmaam walba oo xun ay qabanayso isu sheegi maynno, balse, sidee marxaladdan looga faa’iidaysan karaa, degaanka, dhismayaasha, ganacsiga, xarumaha maamulka iyo cibaadada looga ilaalin karaa burbur, dadka dhiiggoodana loo badbaadin karaa?.

Hubaal, in aadan helayn, badbaada aad rabto, ee bulsho iyo degaan, adoo weli la taagan ama ku doodaya Cabdi Ileey waa DAMBIILE, ee ha la maxkamadeeyo. Yaa kuu muhimsan, Cabdi Ileey, in aad la googgoosato, heer aad garsoor is la gaartaan ama in aad badbaadiso ayaanka iyo aayaha ummaddan shan ilaa siddeeda milyan lagu qiyaaso? ONLF ma ogtahay, in aan la joogin, marxladdii yooyootanka, ee la joogo marxaladdii yoolka la saari lahaa aayaha ummaddan la daalaadhacaysa dhibtaada iyo dhimaalka?.

Sida aan qab, ONLF waa in ay garwaaqsataa, maadaama uusan Cabdi Ileey si fudud xukunka uga dagayn, in ay si dadban ama toos tiisa suuragalaysa u la shaqayso si KMG ah, inta laga gudbayo marxaladdan ka la guurka ah, Itoobayana ay wajahayso is rogroggan badan, ee dhan walba leh.

Labo murti, oo mug iyo macno weyn leh ayaa afkeenna laga helayaa, oo dadka qaar moodaan, in labo ujeed oo is ka hor imaanaya ay sheegayaan, oo ka la ah; “Nimaan warankaagu gelin, warkaagu ma galo” tan kalana waxay tahay; “rag wax walba lagu dayoo, wax WALAALOW uga dhaama la waa!” balse, sidaa ma ahan, oo hadba murtidu waxay ku macno yeelanaysaa munaasibkeedu hadba marxaladda la joogo, oo marbay cudud rabtaa, marna caqli, ee ka la garo, hadba tan kuu habboon adeegsigeed. Had walba ha jilicsanaan, sidoo kale, hadba walba col u joog ha noqon.

Marka, sida ay i la tahay, ONLF iyadoo fiirinaysa, marxaladdan taariikhiga ah iyo badbaadinta aayaha dadka, waa in ay Cabdi Ileey wixii ay hore ugu qabeen dib marsadaan, haddaan laga soo qaadi karin XALAY DHALAY, maxaa yeelay, wixii dhacay waxaa looga gudbi karaa is cafin guud ama is maxkamadayn, oo tan dambe suuragal ma ahan in ay dhacdo sida muuqata.

Waxay i la tahay, in la garto, in cududda iyo caqliga la isugu geeyo, sidii degaanka Soomaalidu u heli lahaa metelaad madaxbannaan, oo u qalanta, si taas loo helana waxaa qasab ah, in is kuuridda iyo qooraansiga la is ka daayo, ee loo wada jeesto, sidii khayraadka degaankaa ku jira, ee qawmiyadaha kale u soo birotumanayaan loo Soomaaliyeysan lahaa, loogana sifayn lahaa wixii saxara ku jira.

Horta kan ha na dhaafo, ka dib, aan isaga imaanno wixii kale, waa waxa meeshaa na dhigay, oo Siyaad ayaan ku eednay, isna eel noga tagay, ee inta candhuufta dib loo liqo, si kale ha lagu dayo maanta, oo la wada dheefi karo, iyadoon mujrim loo dananayna, ha la milicsado mustaqbalka bulshadaa hororka badan ku soo wajahan yihiin.

Cabdi Ileey ha lagu la shaqeeyo wixii maangal ah, ee lagu gaari karo sii adkaynta ka la dambaynta, xoojinta xasilinta, wadaagga maamulka, joojinta xadgudubyada iyo hirgelinta hannaan maarayn oo loo siman yahay, si culayska awood qaybsi iyo maamul waaxayn, ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ka jira uu u yaraado, maxaa yeelay, tooda ayey ka badan la’yihiin, suura iyo maangalna ma ahan, in weli caqliyaddii lixdankii ay DASTUUR noo sii ahaato, ee waa in isbadallada, duraafaha iyo danaha nagu dhacaya aan wax ka qaadannaa, si aan u helno, nalol iyo hormar ubadkeennu u aayaan, illeyn anagu waynnaye, haddii aysan jirin dabbaalnimada na daashatay, oo ah, in aan hal qorid ama hal tolmo keliya ku joogno. Aayaha Soomaali Galbeed, wuxuu ku xiran yahay Itoobiya sida ay noqoto, marka aragtida waasiciya, oo la imaada, sidii wadaag aad u la yeelan lahaydeen, maxaa yeelay, aragtida go’iddu aad ayey u yar tahay, in ay suuragasho.

Midda kale, ee dhici karta waxay tahay, in Cabdi Ileey ka tago xukunka, oo cudud kale saarto ama caqligiisa uu ku garto, mar walbana, talooyinka sare, ee ku wajahan ONLF waxba is ka badali maayaan, maxaa yeelay, kan la keenayo, waa uun gacan yare Cabdi Ileey la shaqeeyey, wixii dulmi uu galayeyna la ogaa ama aan hor istaagin, marka in aad bannaanka warsaxaafadeedyo ka soo saartaan, maxay soo kordhin aan ka ahayn, in aadnaan waxba ka garan waxa socda iyo in aadnaan waxba ku qaadan wixii dhacay ama dhacaya. QUSHIGIIN.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/