Boqolaal qoys oo magaalada Jowhar ka barakacaya (Xog)

Jowhar (Caasimada Online) – Afarta jiho, ama Afarta gees ee magaalada Jowhar ayaa waxaa soo buux dhaafiyay biyo xoog leh oo ka dhashay fatahaada Webiga Shabeelle ee mara qeybo ka mid ah gobalka Shabeellada Dhexe.

Qaar ka mid ah dadka degaanka iyo maamulka gobalka ayaa sheegay in biyaha oo si xowli ah ku socda ay qarka u saaran yihiin in magaalada soo galaan islamarkaana ay jirto walaac xoog leh.

“Waa noo muuqdaan biyaha waxayna ku soo wajahan yihiin gudaha magaalada mana jirto cid wax ka qaban kartam” ayuu yiri Nuur Canjeex oo kamid ah odayaasha Jowhar, kaasi oo la hadlay Caasimada Online .

“Haddii aan ka bixi laheyn magaalada iyo biyaha soo socda, meel loo baxo ma leh, cir iyo dhulba,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nuur Cajeex.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Jowhar ayaa sheegay in ay wadaan dadaal biyaha looga weecinayo Jowhar islamarkaana ay howlgal ka bilaabeen dadka degaanka iyo maamulka gobalka Shabeellada Dhexe.

Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay meelo badan oo kamid ah gobalada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, waxaana ku barakacay in kabadan 10 kun oo qoys.