Somaliland oo dalbatay inay dhex-dhexaadiso dalalka Itoobiya iyo Masar (Aqriso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo warramayaa in ka dalbatay wafdigii Itoobiya ka socday ee dhowaan tegay Hargeysa inay dhex-dhexaadiso xukuumadaha Addis Ababa iyo Qaahir oo isku haya wabiga Nile, sida uu qoray wargeyska caanka ah East Africa Business Week ee ka soo baxa dalka Uganda.

Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA oo warbixinta wargeyska wax ka qortay ayaa iyana shaacisay inuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u sheegay wafdigii uu hoggaaminayey wasiirka maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide in Somaliland ay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso Masar iyo Itoobiya, si loo qaboojiyo xiisada u dhexeysa.

Sidoo kale wargeyska ayaa ku warramay in Somaliland ay xulufo la tahay Itoobiya, islamarkaana xiriir wanaagsan kala leh dhanka dekedda magaalada Berbera.

Illaa iyo hadda ma jiro wax jawaab ah oo ay dowladda Itoobiya ka bixisay dalabkaasi ka soo yeeray xukuumadda Hargeysa.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday & sida ay Somaliland oo aan weli heli ictiraaf ay ku dhex-dhexaadin karto dalalka Itoobiy iyo Masar oo sanado badan isku haya arrinta webiga Nile oo ay Itoobiya dooneyso inay ka dhisto biyo xireen.

Somaliland ayaa tan iyo sanadkii 1991-kii raadineyso madax banaani, xilligaas oo ay ku dhaawaqday inay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale.