Fowsiya oo sheegtay in Kheyre xilka looga qaaday arrin uu caqabad ku noqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka horayna usoo noqotay wasiiradda arrimaha dibada Somalia, ayaa soo dhoweysay xil ka qaadista ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo shalay baarlamaanka uu codka kalsoonida kala noqday.

Fowsiya Yuusuf ayaa sheegtay in Kheyre uu hortaagnaa islamarkaana caqabad ku ahaa doorasho qof iyo cod ah in dalka ka dhacdo, iyadoo tilmaamtay inuu doonayay in dalka dib loogu celiyo doorasho dadban.

“Marar badan oo aan dhageystay hadalka ra’iisul wasaare Kheyre waxaan ka dhadhansaday hadalkiisa  inuusan ogoleyn in dalka doorasho dadweyne ka dhacdo, haddii uu hor istaago wixii shan sano aan usoo diyaar garooownay oo waqti badan nooga lumay waan ku qanacsanahay in malaga hor leexiyo,” ayey tiri Xildhibaan Fowsiya oo u warameysay idaacadda BBC.

Xildhibaan Fowsiya ayaa sidoo kale ku eedeysay Kheyre inuu shaki geliyay kana soo horjeestay sharciga doorashooyiska oo labada aqal ee baarlamaanka ansixiyeen, aakhirkiina madaxweynaha uu saxiixay.

Mas’uuliyadda dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada ayay dusha u saartay xukuumaddii Kheyre oo ay tilmaamtay in Kheyre uu xafiiska ku haystay sharciyadii loo baahnaa in la dhameystiro.

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Aadan ayaa ka mid ah xildhibaanada aan mowqifkooda siyaasadood meelna jirin haddey ahaan laheyd dhinacyada xisbiyada mucaaradka ama dowladda Nabad iyo Nolol.