Boqor Salmaan oo qaaday tallaabo uu ku beeninayo warar dhowaan laga faafiyey

Riyadh (Caasimadda Online) – Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Ala Saud ayaa maanta qaaday tallaabo uu ku beeninayo warar maalmahan ay aad u werineysay warbaahinta oo ku saabsanaa in xaaladdiisa caafimaad ay liidato.

Boqor Salman ayaa maanta markii ugu horeysay muddo kadib soo muuqday maanta oo Axad ah, inta lagu guda jiray xafladda dhaarinta qaar ka mid ah safiirada Sacuudiga ee dibedda.

Muuqaalka Boqor Salman ayaa yimid kadib markii warbaahinta ay sheegeen in xaaladiisa caafimaad ay sii xumaaneyso sidoo kalana ay boqortooyada xir-xirtay mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga, kuwaas oo ay ku jiraan amiirro sar sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada, oo uu ku jiro walaalkiis Amiir Ahmed bin Abdul Aziz, iyo dhaxal-sugihii hore Muhammad bin Nayef.

Sida ay barteeda Twitter-ka kusoo qortay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan SPA, waxaa garabka boqorka kasoo muuqday Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, Wasiirka Arimaha Dibadda, iyo kaaliyaha xoghayaha gaarka ah ee dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Tamim bin Abdulaziz Al-Salem, iyadoo uusan meesha joogin dhaxal-suge Mohamed bin Salman.

Goor hore oo maanta ah, wakaaladda wararka ee Associated Press oo  soo xigatay sarkaal Mareykan ah ayaa sheegtay in boqorka Sucuudiga uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay uuna ka soo muuqday kulankiisii uu la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo, kaasoo ka dhacay magaalada Riyadh 20-kii bishii Feberaayo, iyadoo labada Mas’uul ay ka wada hadleen dagaalka Sacuudiga hoggaaminayo ee Yeman, qaabkii loo wajihi lahaa Iiraan, Dagaalka Suuriya iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka.

Ilaa hadda lama helin xaqiiqda xarigii loo geystay amiiro badan oo ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga, laakiin Wall Street Journal iyo New York Times, oo soo xiganaya ilo wareedyo xog ogaal ah, waxay xaqiijiyeen in xubno ka tirsan ilaalada boqortooyada ay xireen labada amiir, Ahmed bin Abdulaziz, oo la dhashay Boqorka, Iyo dhaxal sugihii hore ee Boqortooyada Muxamed bin Nayef subaxnimadii Jimcaha kadib markii lagu soo oogay Khiyaano qaran, waxaana laga yaabaa inay wajahaan daldalaad ama xabsi daa’in.