Sarajevo (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa Isniintii taageero u muujiyay dowladda federaalka ee Bosnia, oo wajahaysa loolan awood la xiriira hoggaamiyeyaasha qowmiyadda Serbiyiinta, isagoo caddeeyay in isbahaysigu uusan oggolaan doonin “khal-khal amni oo dhaca.”
Xiisadda ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii hoggaamiyaha Serbiyada Bosnia, Milorad Dodik, lagu xukumay bishii hore dambiyo la xiriira diidmada amarrada Christian Schmidt, ergayga sare ee mas’uulka ka ah kormeerka hirgelinta heshiisyadii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii Bosnia ee 1990-meeyadii.
Dodik, oo ah hoggaamiyaha maamulka Serbiyada ee Republika Srpska (RS), ayaa ka dhaga adaygay xukunka lagu riday, isagoo hormuud ka noqday ansixinta sharciyo mamnuucaya in booliska federaalka iyo garsoorka dowladda dhexe ay galaan dhulka uu maamulo maamulka RS.
Hase yeeshee, maxkamadda dastuuriga ee Bosnia ayaa sharciyadaas burisay.
Rutte ayaa yimid caasimadda Sarajevo iyadoo Dodik iyo Schmidt ay weli isku hayaan khilaaf xooggan, xilli aan jirin waddo cad oo lagu dejin karo xiisadda.
“Tani maaha 1992, kamana oggolaan doono in khal-khal amni uu dhaco,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NATO oo shir jaraa’id oo uu ku qabtay Sarajevo, isagoo xusay sannadkii uu bilaabmay dagaalkii sokeeye ee Bosnia.
Rutte waxa uu hadalladan jeediyay kaddib kulan uu la yeeshay saddexda xubnood ee madaxweynaha Bosnia, isagoo ugu baaqay inay dhammaan khilaafaadka siyaasadeed soo afjaraan.
“Arrintan waa in aad idinku xallisaan, dhammaantiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Xiisad siyaasadeed
Tan iyo dhammaadkii dagaalkii Bosnia ee 1990-meeyadii, waddanku waxa uu ka kooban yahay laba maamul oo iskood u taagan — kuwaas oo kala ah Republika Srpska, oo ay Serbiyadu maamusho, iyo dhanka kale oo ay wada degaan Muslimiinta Bosniak iyo qowmiyadda Croatian-ka.
Labadan maamul waxay leeyihiin dowlado iyo baarlamaan u gaar ah, waxaana mideeya hay’ado dhexe oo awoodahooda daciif yihiin, oo ay ka mid tahay madaxweynaha saddex-geesoodka ah oo ay xubno ka yihiin wakiillo ka kala socda Serbiyada, Croatia, iyo Muslimiinta Bosniak.
Booqashada Rutte waxay kusoo beegmaysaa maalmo kaddib markii maxkamadda dastuuriga ee Bosnia ay hakisay sharci uu saxiixay Dodik, kaasoo meesha ka saaraya awoodda booliska federaalka iyo garsoorka dowladda dhexe ee ka hawlgala gudaha RS.
Toddobaadkii hore, Dodik waxa uu sidoo kale diiday amar maxkamadeed oo uga yimid xeer-ilaaliyaha guud ee Bosnia, kaasoo doonayay inuu su’aalo ka weydiiyo eedeymo la xiriira jebinta dastuurka.
Xaaladda siyaasadeed ee Bosnia, oo horeyba u ahayd mid jilicsan tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye, ayaa haatan wajahaysa hubanti la’aan sii kordhaysa.
Iyadoo xiisaduhu sii kordhayaan, Midowga Yurub (EUFOR) ayaa toddobaadkii hore sheegay inuu si ku-meel-gaar ah u kordhin doono tirada ciidamadiisa nabad-ilaalinta ee Bosnia.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in ficillada Dodik ay sii hurinayaan xiisadda kala dhaxeysa Schmidt, oo ah diblomaasi awood badan leh, loona xilsaaray inuu faragelin ku sameeyo maamulka Bosnia haddii loo baahdo.
Xiisadaha xiriirka NATO iyo Mareykanka
Hoggaamiyaha RS, Dodik, ayaa horey u ansixiyay laba sharci oo hore, kuwaasoo meesha ka saaraya awoodaha wakiilka sare iyo maxkamadda dastuuriga ee Bosnia.
Arrintan ayaa horseeday in bishii hore lagu xukumo hal sano oo xarig ah iyo xayiraad lix sano ah oo ka reebaysa qabashada xil dowladeed.
Sanado badan, Dodik waxa uu waday ol’ole gooni u goosad ah, isagoo marar badan ku hanjabay inuu RS ka saari doono hay’adaha dowladda dhexe ee Bosnia — oo ay ka mid yihiin ciidamada, garsoorka, iyo nidaamka canshuuraha — taasoo keentay in Mareykanku saaro cunaqabatayn.
Booqashada Rutte waxay sidoo kale imanaysaa xilli NATO ay la daala-dhaceyso isbedello amni oo ay keeneen siyaasadaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo wax ka beddelay xiriirka uu la leeyahay xulafada amni ee Maraykanka.
Sanado badan, NATO waxay kaalin muhiim ah ku lahayd sugidda amniga Bosnia, kaddib markii isbahaysigu uu faragelin milatari ku sameeyay dagaalkii Bosnia, taasoo door muhiim ah ka qaadatay in la soo afjaro colaaddii ay ku dhinteen ku dhowaad 100,000 oo qof.
Xarunta NATO ee Bosnia oo ku taalla caasimadda Sarajevo ayaa si dhow ula shaqeysa ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Yurub ee EUFOR.