Dimishiq (Caasimada Online) – Madaxtooyada Suuriya ayaa Isniintii ku dhawaaqday heshiis ay sheegtay in ay shalay kala saxiixdeen Dowladda Suuriya iyo kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta Suuriya ee loo soo gaabiyo SDF.
Dhinacyada ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in SDF, oo maamusha gobolka Waqooyi-bari, ay ku biirto dowladda cusub, isla markaana ay ciidamadoodu la midoobaan ciidanka dowladda.
Maamulka cusub ee Suuriya, oo uu hoggaamiyo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed Al-Sharaca, ayaa isku dayaya inuu kala diro kooxaha hubeysan ee maamula guud ahaan dalka.
Tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalkaasi ee Bashaar al-Assad bishii December, kadib in ka badan 13 sano oo dagaal sokeeye ah, Suuriya waxay gashay marxalad siyaasadeed oo cusub.
Heshiiskan cusub, oo la filayo in la dhaqan geliyo dhammaadka sanadka, ayaa yimid kadib maalmo rabshado ah oo ka dhacay dhulka ay deggan yihiin qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta Suuriya, kuwaas oo wajahaya khatarihii ugu cuslaa tan iyo markii la riday Assad.
Madaxtooyada Suuriya ayaa Isniintii daabacday bayaan ay saxiixeen labada dhinac, kaas oo dhigaya heshiis isku dhaf ah oo taabanaya dhammaan hay’adaha rayidka ah iyo kuwa milateri ee Waqooyi-bari Suuriya, oo ay ku jiraan xarumaha xuduudaha, garoonka diyaaradaha, saliidda iyo gaaska.
Kooxda Kurdiyiinta SDF ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ay u dirtay wakaaladda wararka AFP, si ay uga hadlaan arrintan.
VOA + AFP