Puntland oo hal arrin ka joojisay ciidamada la dagaalamaya Daacish

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, oo haatan dagaal adag kula jiro kooxda Daacish, ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta halganka ay wadaan ciidamadooda, iyada oo lasoo saaray awaamiir la xiriirta dagaalka.

Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, oo warsaxaafadeed soo saaray, ayaa joojiyay in furimaha hore ee dagaalka la geeyo qaad, sababo la xiriira amniga.

Warqaddan ayaa toos loogu diray guddoomiyeyaasha degmooyinka Boosaaso, Balidhidhin, iyo ganacsatada qaadka ee ka howlgala guud ahaan gobolka Bari.

Qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka Hilaac ayaa lagu sheegay in muddo kooban la mamnuucay keenista qaadka ee fadhiyada ay ku sugan yihiin ciidamada difaaca Puntland.

“Laga bilaabo 11.03.2025 illaa 21.03.2025, amar kasoo baxay taliska hawlgalka Hilaac ayaa lagu joojiyay keenista qaadka fadhiyada kala duwan ee ciidamada qaybta ka ah howlgalka Hilaac, sababo amni darteed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo jabisa amarka la soo saaray, oo looga gol leeyahay in lagu adkeeyo dagaalka Puntland.

“Haddaba ciddii jabisa awaamiirtaas kasoo baxday howlgalka Hilaac waxay la kulmeysaa ciqaab iyo ganaacyo kala duwan,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale, waxaa faahfaahinno kala duwan laga helayaa duqeymo culus oo xalay ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad, isla markaana lala beegsaday maleeshiyaadka firxadka ah ee kooxda Daacish.

War kooban oo kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in weerarkan ay fuliyeen saaxiibbada caalamiga ah ee Imaaraadka, uuna ka dhacay Togga Miraale ee Calmiskaad.

“Duqeyn ka dhacday Togga Miraale waxaa lagu beegsaday firxadka argagixisada Daacish oo is urursanayey. Duqeynta waxaa fuliyey saaxiibbada Dowladda Puntland ee Imaaraadka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Howlgallada ayaa weli sii socda, wuxuuna dagaalka Puntland galay wajigiisa saddexaad, iyada oo ujeedku yahay in argagixisada laga saaro dhulka buuraha ah ee gobolka Bari.