Xog: Al-Shabaab oo isaga baxay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Isniintii, illaa xalay, ay Al-Shabaab bilaabeen inay dib uga gurtaan deegaanno ka tirsan gobolkaas, halkaas oo haatan ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, maleeshiyada argagixisada ah ayaa faarujisay deegaannada Ceel Baraf iyo Biyo Cadde, oo kamid ah meelihii ay dib ula wareegeen toddobaadyadii lasoo dhaafay, kadib weeraro rogaal celis ah oo ay kusoo qaadeen halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in labadaas deegaan iyo tuulooyinka hoos yimaada ay ka wada baxeen xubnihii Al-Shabaab, mana cadda sababta ka dambeysa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaabkii ku sugnaa aaggaasi ay u baxeen dhinaca wabiga, gaar ahaan xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Kahor inta aysan Al-Shabaab ka bixin deegaannada Ceel Baraf iyo Biyo Cadde, waxay la hadleen dadka deegaanka, iyaga oo isugu yeeray meel fagaare ah, kadibna la wadaagay qorshahooda bixista, balse ma cadda waxyaabaha kale ee ay kala hadleen shacabka.

Xaaladda deegaannada ay ka baxeen Al-Shabaab ayaa haatan haawanaya, mana jiro wax ciidan ah oo ku sugan halkaasi, balse waxaa kaabiga ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo indhowaanahan howlgallo culus ka waday Shabeellaha Dhexe.

Sababta ugu weyn ee soo dadajisay bixitaanka kooxda Al-Shabaab ayaa lagu micneeyay culeyska ay kala kulmeen gulufka dowladda iyo duqeymaha ay ku garaacayaan saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo hawada ka taageeraya ciidamada huwanta.

Waxaa sidoo kale laga burburiyay buundo macmal ah oo ay ka sameysteen deegaanka Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka soo gudbin jireen gaadiidka iyo dagaalyahannada ay ku soo weerari jireen gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay dhowaan shaacisay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA).

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, ayaa howlgal duqayn ah oo ay ka fuliyeen tuulada Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay ku burburiyeen buundo macmal ah oo Khawaarijtu dhawaan halkaas ka dhistay,” ayaa horay loogu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay halkaasi u ahayd marin muhiim ah oo ay u adeegsan jireen soo gudbinta maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku dayayay inay carqaladeeyaan amniga deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda ee ku aaddan dib u gurashada argagixisada oo maanta ka baxay deegaanno ku yaalla Shabeellaha Dhexe.