Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dalka Brazil ayaa goordhow shaaca ka qaaday inay heleen Meydka ruux ku dhex gubtay gaari oo loo badinaayo inuu yahay Safiirka dalka Greece u fadhiyey Brazil.
Saraakiisha Booliska Brazil ayaa sheegay in meydka uu yaha mid cusub, isla markaana ay u maleynayaan inuu yahay Safiirka Greece ee Brazil Kyriakos Amiridis oo Seddexdii maalin ee ugu danbeysay lagu la’aa nolol iyo geeri.
Diblumaasi u hadlay Safaarada Greece ee dalka Brazil ayaa xaqiijiyay in Safiirka ay la’ yihiin Seddexdii maalin ee ugu danbeysay, waxa uuna diblumaasigaasi sheegay in goortii ugu danbeysay Safiirka uu booqasho ku aaday Xaafadda Nova Iguacu oo ka mid ah xaafadaha ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee magaalada Rio de Janeiro.
Muuqaalka gaariga gubtay oo laga baahiyay Telefishinka Globo, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Gaariga uu ku dhexgubtay Xaafada Nova Iguacu.
Sidoo kale, Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in safiirka Greece u fadhiyey Brazil Kyriakos Amiridis la waayey habeenkii isniinta, markii dad ugu war danbeysayna waxaa lagu sheegay inuu joogay xaafada Nova Iguacu.
Dowlada Greece, wali kama aysan hadal maqnaanshiyaha Safiirkooda iyo wararka sheegaya in Meydka la helay uu ahaa kan Safiirka.


