24.5 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Sawirro: CC oo ku dhiiraday in uu taagero weydiisto xildhibaanada taageersan Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii ugu horeysay ku dhiiraday in Codadka uu weydiisto Xildhibaanada laga soo doortay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.

Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid oo kulan la qaatay Xildhibaanada cusub ee lagu soo doortay magaalada Cadaado, ayaa ka codsaday inay taageeraan barnaamijkiisa Siyaasadeed, maadama uu ka mid yahay Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Cumar C/rashiid waxa uu Xildhibaanada ku beer laxawsaday in waxbadan uu ka bedeli doono Siiyaasada Somalia haddii la doorto, waxa uuna ballanqaaday dhameystirka howlaha ka harsan waxyaabihii uu horay usoo qabtay.

Waxa uu intaa ku daray in hanaanka loo maraayo dhameystirka howlaha harsan uu la tashi guud iyo aragti mideysan kala sameyn doono dhinacyada siyaasada iyo bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaanada uu Cumar C/rashiid weydiistay Codadka ayaa waxaa ku jiray Xildhibaano aad u farabadan oo ay kamid yihiin Mahad salaad, Odawaa, Maryan Cariif, Axmed Fiqi iyo kuwo kale.

Qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee ku sugnaa kulanka ayaa cod dheer ku sheegay inay taageerayaan ololaha Cumar C/rashiid.

- Advertisement -

Read more

Local News